Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo Gobolka Bakool iyagoo halkaasi ka qab-qabtay qaar ka mida dadka Deegaanka Rabdhuure Ee Gobolka Bakool.

Posted on Jun 28 2009 - 9:43am by News Desk
Tweet
Pin It

itoobiyanBartamaha(Muqdisho):- Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo aad u fara badnaa ayaa xalay waxa ay xoog ku soo galeen Deegaanka Rabdhuure Ee Gobolkaasi Bakool halkaasi oo ay saaka ka bilaabeen howlo ay dad ku qab-qabteen.

Ciidamada oo ahaa kuwa watay ilaa 10-gaari nuuca dagaalka ah ayaa saaka waxa ay xereen dhammaan wadooyinka soo gala Deegaanka Rabdhuure halkaasi oo ay ka bilaabeen howlgalo ay dadka deegaankaasi ku baarayaan iyagoo gacanta ku dhigay tira dhalinyaro deegaankaasi ahayd.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay gaareen deegaano dhowr ah sida Deegaanka Yeet iyo tuulooyin kale kuwaasi oo ay ku hagayeen Ciidamo soomaali ah oo la shaqeynayay Aakarta Itoobiyaanka ah oo guri waliba oo deegaanadaasi ah baaritaan ku sameeyay.

 

Dhalinyarada Deegaanada ay isku soo faafiyeen Ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ayaa waxa ay bilaabeen in ay isaga cararaan maadaama ay ka baqanayaan Ciidamadaasi in ay gacanta ku dhigaan iyadoo ay qaar ka mida dadka Deegaankaasi ay jirdil kula dhaqaaqeen.

Baaritaanada askarta Itoobiyaanka ah ay ka samaynayaan Deegaano ka mida Gobolkaasi Bakool ayaa imaanaya xilli Itoobiya ay beenisay in askarteeda ay galayaan soomaaliya isla mar’ahaantaana ay daah iska saartay kuwa haatan ku sugan Deegaano ka mida Gobolada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Â