Bartamaha (Balad-Weyne):-Ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ayaa Galabta soo buuxiyay Magaalada Balad-weyne halkaasi oo shalay galinkii danbe xaafado ka mida ay la wareegeen Ciidamada Xarakada Alshabaab.
Wararka aynu ka heleyno Magaalada Balad-weyn ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta la wareegeen xaafado badan Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ka soo dhaqaaqay deegaanka Janta kun disho duleedka Magaaladaasi.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa waxa ay dageen dhanka Galbeedka Magaaladaasi iyagoo dhufeya adag ka samaystay Xaafadaha Howl-wadaag iyo Buundada Liiq-liiqato waxaana halkaasi xiligaasi ka soo guranayay Ciidamada Alshabaab.
Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa gabi ahaan Magaaladaasi faarujiyay iyadoo aan la ogayn goobta ay u boqooleen waxaana ay xiligaasi muddo ka dib goobihii ay ka tageen Ciidamada dowlada oo kuwa Itoobiya ay kalkaalayeen.
Xaalada guud Ee Magaalada ayaa ah mid iska dagan iyadoo aanay jirin wax iska hor’imaad ah oo halkaasi ka dhacay waxaana dhanka Galbeed Magaalada isku faafiyay Ciidamada labada dhinac.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.