Ciidamo Dowlada Soomaaliya ka tirsan oo isku dhiibay maamulka Deegaanka Buur-dhuubo Ee Gobolka Gedo.

Posted on Sep 7 2009 - 8:06am by News Desk
Tweet
Pin It

doolowBartamaha (Buur-dhuubo) Maamulka Deegaanka Buurdhuubo ayaa shaaca ka qaaday in ay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo xiligan dhaqan celin lagu samaynayo.

Sargaal u hadlay Maamulka Islaamiga ah Ee Buurdhuubo ayaa saxaafada u sheegay in ay deegaankaasi soo gaareen ku dhawaad 15-askari kuwaasi oo ka soo goystay Ciidamada Dowlada Eek u xareysan Deegaanka Doolow.

Ciidamada isku soo dhiibay ayuu sheegay masuulkaasi in ay wateen gaari nuuca dagaalka ah isla markaana ay xiligan ogolaadeen in ay la shaqeeyaan Maamulka Islaamiga ah.

Ma Jiro Wax War ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Dowlada Ee Deegaanka Doolow oo la sheegay in Ciidamadaasi ay ka soo baxsadeen wallow inta badan Ciidamada Dowlada ay mararka qaar ku dhaqaaqaan ka laabashada maamulka ay la shaqeynayeen islamarkaana ay islaamiyiinta ku biiraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.