Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa saaka baarasho kula dhaqaaqay dad rakaab ah gaari marayay Wadada Warshadaha agagaarka Control Afgooye Ee Duleedka Muqdisho.
Ciidamo dareeska Dowlada watay ayaa la xaqiijiyay in ay barasho kula dhaqaaqeen illaa 5-gaari uu nuuca BL-ka ah ka dib markii ay u galeen inta u dhexeysa Ex-Control Afgooye iyo Kuliyada Jaale Siyaad.
Ciidamad dhaca iyo baarashada geystay ayaa waxaa la sheegay in ay wateen dreesyada Militariga,Daraawiishta iyo Booliiska Dowlada Soomaaliya iyagoo si bareer ah gaadiidaasi u baartay.
Dadka maanta lagu dhacay wadada Warshadaha ayaa www.Bartamaha.com u sheegay in ay Ciidamadaasi ka qaateen guud ahaan Mobiladii ay dadka wateen iyo qalab kale iyo qarashadkii gaariga.
Dhaca iyo baarashada maanta ay Ciidamada Dowlada ku dhaqaaqeen ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli malintii shalay la dhamaystiray Maxkamada Ciidamada Xooga taasi oo la sheegay in ay wax ka qabanayso dinbiyada Ciidamada.
Dadka la dhacay ayaa waxa ay isweydiinayeen barashada lagula dhaqaaqay iyo Maxkamada shalay la dhisay waxa kulmiyay wallow aan la ogayn wax ay Dowlada ka qaban doonto dhaca Ciidamada ee weli lagu sii dhiiranyahay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.