Ciidamda Amaanka Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo oo wada Howlgalo ay kula Dagaalaayaan…

Posted on Sep 9 2009 - 12:55pm by News Desk
Tweet
Pin It

bartamaha

Bartamaha(Kismayo):- Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalda kismaayo Sheikh Maxamed C/qaadiir Samsamow ayaa sheegey in howlgalo ay balaaran oo habeenimadii xaley at fuliyeen ciidamada amaanka ee maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo ay ku soo qab qabteen ilaa iyo 9 qof oo qaar ka mid ah lagu soo qabaty ayagoo isticmaalaya wax yaabaha muqaadiraadka ee maanka diiriya halka qaarka kalana ay Ahaayeen dad ma soomayaal ah oo aygu xiliyada ay dadku soomanyihiin si qarsoodi ah cuntooyin ugu garsada gobo kamid ah gudaha magaalada kismaayo ee xarunta G/j\Hoose .

Haseyeeshee Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada kismaayo sheikh maxamed c/ qaadir samsamow ayaa ugu digay dadka caadeystay isticmaalka wax yaabaha ka hor imaanaya ku dhaqanka shareecad islaamka in ay ka Tanaasulaan arimaha ceynkaan ah dahii kale laga qaadi doono talaabooyin sharciga waa faqsan

Dadkani eedeysanayaasha ah oo ka kooban ilaa iyo 9 nin oo dhalin yaro ah kuwaasi oo iminka ku xir xiran xabsiga dhexe ee magaalada kismaayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la soo taagi doono maxkamad is markaasi loogu qaado wax yaabaha ay ka qabto shareecada islaamka  sida uu bartamaah online u xaqiijiye taliyaha  xabsiga sheikh maxamed c/ qaadir sam samow oo kamid ahaa saraakiishii howlgaladaasi fulisay wuxuuna taliyuhu ugu dembeyntii ugu baaqey qeybaha kala duwan ee dad weynaha reer kismaayo ay taageeraan ciidanadani howl galka fulinayaa asagoona ku booriyey in ay soo sheegaan meel walba oo ay ku arkaan dadkanai caadeytay falalka xun xun ee an waa fqsaneyn shareecada islaamka 

 

Warar xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com

 

Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia