Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee bilihii la soo dhaafay fariisinka ka dhigtay Deegaanka Kala bayr Ee Gobolka Hiiraan ayaa Barqanimadii maanta isaga gureen deegaankaasi Kala Bayr.Â
Ciidamada Itoobiyaanka aha aya la xaqijiyay in ay isaga baxeen Deegaankaasi iyadoo ay u jeheesteen gudaha Dalka Itoobiya halkaasi oo ay lug ku galeen Deegaanka Feer-Feer Ee Dhulka ay maamusho.
Ciidamadii Dowlada Ee halkaasi la daghanaa ayaa la sheegayaa in ay u raaceen gudaha dalkaasi Itoobiya iyadoo maanta gabi ahaanba ay haawanayso fariisinkaasi ay wada daganaayeen ciidamada Itoobiya iyo Kuwa dowlada.
Ma jiro wax dhaqdhaqaaq ah oo dadku ay ku samaynayaan goobta ay Itoobiyaanka askartooda isaga guureen iyadoo dadku ay ka baqanayaan hub iyo miinooyin goobaha ay ka guuraan ay kaga tagaan ciidamamadaasi.Â
Wixii warar ah ee arintaasi ku soo kordha kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia