Ciidamadaii Ethiopia oo isaga baxay Duuleedka galbeed Ee Magaalada Balad-Weyne.

Posted on Oct 18 2009 - 9:06am by News Desk
Tweet
Pin It

itoBartamaha(Mustaxiil):-Ciidamadii Ethiopia ee dhawaanahan ku sugnaa tuulooyin jihada galbeed uga began Magaaladsa Balad-Weyne ayaa xalay halkaasi isaga baxay iyagoo qabtay dhanka Mustaxiil.

Ciidamada Ethiopia ayaa la arkayay shalay galinkii danbe iyagoo u diyaarsan safar dhanka dhulka ay maamulaan iyagoo watay gaadiidka dagaalka iyo teendhoyin ay ka dhisteen deegaanada ay dageen.

Dadka dagan galbeedka Magaalada Balad-Weyne ayaa si diiran u soo dhaweeyay Ciidamada Itoobiya oo xalay faarujiyay deegaanada ay dhawaanahan daganayeen halkaasi oo laga cabsanayay dagaal ka dhaca.

Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay dhawaan qabqabteen dhalinyaro reer miyi u badan kuwaasi oo daganaa deegaanada ay soo gaareen oo illaa haatan aan meel lagu ogayn markii ay geeyeen xirada Kala-Bayr.

Illaa haatan lama oga ujeedada ka danbeysa ka bixitaanka Ciidamadaasi ee Gobolka hiiraan qeybo ka mid ah wallow fadhiisin weyn ay ku leeyihiin Deegaanka Kala-Bayr ee Gobolkaasi Hiiraan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.