Ciidamada Xizbul Islaam oo bilaabay howl-galo lagu Bur-burinayo goobaha ganacsiga Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Posted on Aug 3 2009 - 3:21pm by News Desk
Tweet
Pin It

ceelasha biyahaBartamaha(Ceelasha-Biyaha):-Ciidamada Ururka Xizbul Islaam Afgooye ayaa bilaabay howlgalo ay ku bur-burinayaan goobaha ganacsiga Wadada laamiga ah Ee Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Goobaha saaka ay burburinta kula dhaqaaqeen Ciidamada Xizbul Islaam ayaa waxaa ka mida Suuqa Khudaarta,Hilibki iyo raashinka Eek u yaala wadada harerteeda Ceelasha Biyaha.

Ciidamada Xizbul Islaam ayaa sidoo kale waxa ay amar ku bixiyeen in gawaarida aanay istaagi Karin wadada hareerteeda Ee agagaarka Ceelashii Biyaha halkaasi oo haatan noqotay goobta ugu mashquulka badan Deegaanada loo barakacay.

Saraakiil ka tirsan Xizbul Islaam ayaa sheegay in howlahan ay ka wadaan Ceelasha biyaha ay ujeedkeeda tahay sidii ammaanka Deegaanadaasi wax looga qaban lahaa.

Howlhan bur-burinta ah ayaa imaanaya xilli Deegaano ka mida Degmada Afgooye ay Ciidamada Xizbul Islaam ka fuliyeen amaro xagga shaqada gaadiidka ah taasi oo ay dheertahay burburinta goobaha sharci darada ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.