Bartamaha(Balad-Weyne):-Ciidamada Ururka Xizbul Islaam ayaa howl-galo ka sameeyay wadada u dhexeysa Balad-Weyne iyo Deegaanka Kala-Bayr.
Deegaanka Kala-Bayr oo dhawaan ay isaga guureen Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa maanta howlgalo ka sameeyay Ciidamada Ururka Xizbul Islaam kuwaasi oo ammaanka aad u adkeeyay.
Ciidamada Xizbul Islaam ayaa waxa ay baaritaano ka sameeyeen wadada hareeraheeda oo dhawaanahan ay galayeen Koox burcad ah oo ka faa’iidaysanaysa dhaca shacabka ka dib ka bixitaankii Itoobiya.
Isgoyska ayaa waxaa haatan uu yahay mid cidla ah iyadoo saaka ay Ciidamada Xizbul Islaam ka sameeyeen ammaan sugid aan waqti badan qaaday oo ay ka dib isaga soo bexeen.
Laba dhalinyara hubaysan ayaa la sheegay in ay ka soo qabteen agagaarka Kala-Bayr xilli ay ku sugnaayeen dhulka kaynta ah ee wadada hareerteeda ah.
Waa Howl-Galkii ugu horeeyay ee ka dhacay wadada Kala-Bayr Gobolka Hiiraan oo dhawaan ay isaga guureen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethiopia. oo horey ammaanka wadadaasi aad u adkaynayay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.