Bartamah(Qooqaani):- Ciidamada Xarakatu shabaabul mujaahidiin ayaan waxa ay galabta galinkii danbe la wareegeen Degmada Qooqaani oo hoostagta Degmada Afamdow oo ay hore u joogeen xoogaga xizbul islaam ee hore uga baxay degmada Afmadow ee gobolkani J/hoose.
Xoogaga Xarakatu shabaabul mujaahidiin oo ku hubeysan gawaarida dagaalka ayaa si nabadgelyo ah waxa ay ku galeen degmadaasi iyadoo aysan jirin wax iska hor imaad ama dagaal ka dhacay degmadaasi.
Ciidamadii uu horkacayay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga huleeleen degmadaasi qooqaani iyagoo ku jaheystay dhanka degmada dhoobley ee ku taal xadka kala qeybiya Wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Ma jiraan wax war ah oo ilaa iyo haatan kasoo baxay dhanka masuuliyiinta Maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka oo ku aadan la wareegidooda ay la wareegeen Degmada Qooqaani ee Gobolkani J/hoose.
Sikastaba ha ahaatee la wareeegidda Xarakatu shabaabul mujaahidiin ay la wareegeen degmada Qooqaani ayaa kusoo beegmeysa xilli ay 3 maalin ka hor si nabadgelyo ah ay kula wareegeen Degmada Afmadow oo Saldhig u ahayd Xizbul Islaam.
Â
 Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com
Â
ICC
Bartamaha News
Kismayo-Somalia