Bartamaha(Kismayo):- Ciidamada Nabadgelyada Magalada Kismaayo ayaa maanta soo qabqabtay 4 nin oo ku eedeysan falal burcadnimo ah in ay ka geysanayeen Tuulada Buulogaduud oo qiyaastii 30km Dhanka Waqooyi kaga Beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta G/J/hoose.
 Sheekh C/qaadir Max’ed Samsamow oo ahTaliyaha Ciidamada Xizbada Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay soo qabqabteen ilaa 4taan ruux xilli ay ku gudo jireen dhac ay u geysanayeen Gaadiid ay saarnaayeen Dad Shacab ah oo Marayay Tuulada Buulogaduud iyaga oo ku labisnaa Dareeska Ciidamada Nabadgelyada Degmada Kismaayo.
 Sheekh C/qaadir Max’ed Samsmow ayaa Saxaafada u sheegay in Maxkamad la soo saari doono Ragan Eedeysaneyaasha ah oo hada ku xiran Saldhigga dhexe ee Magaalada Kismaayo kadibna lamarsiin doono Wixii ay muteystaan si waafaqsan Shareecada Islaamka.
 Howgallada ay sameynayaa Ciidamada Xizbada ayaa maalmahan danbe waxa siweyn looga dareemayay gudaha Magaalada Kismaayo iyo Nawaaxigeeda Howgalladaas oo ay Maamulku ku soo qabqabteen Dad badan oo la tuhunsanyahay in ay Falal Amaan Darro ah wadeeen.
 Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysan oo ay maamulku xabsiga dhigaan dad ku eedeysan Falal burcadnimo ah Waxaa jirtay Dad kale oo iyaguna ku eedeysan Danbiyo Ceynkaan oo kale ah kuwaas oo laga dhex qabtay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Â
Ismaaciil Cali Cabdi
Bartamaha-Kismayo.