Ciidamada Maxkamadaha Dowlada ku biiray iyo kuwa Maamulka G/Banaadir oo maanta dagaal ku dhexmaray Isgoyska Zoobe Ee Muqdisho iyo xiisad wali ka taagan halkaasi.

Posted on Jul 30 2009 - 7:17pm by News Desk
Tweet
Pin It

ciidamada dowlada dagaalkaBartamaha(Muqdisho):-Dagaal muddo socday ayaa Maanta waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Zobe iyo Banaadir Ee Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliya

Dagaalka ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay Ciidama hosyimaada Maamulka G/Banaadir oo dhac iyo baarasho kula dhaqaaqay gawaarida maraysa inta u dhexeysa Jaamacada Umada iyo Zobe iyadoo ay goobtaasi soo weerareen askarta Maxkamadaha Dowlada ku biiray.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan oo uu hoggaan u ahaa Maxmed Jimcaale Goobaale ay weerareen askarta baarashada ku dhaqaaqday oo ku hoos shaqeysa C/fitaax Shaaweeye G/xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Isku dhaca labada ciidan ayaa la sheegayaa in uu si rasmi ah saamayntiisa u dhashay ka dib markii Ciidamada Maxkamadaha Dowlada ku biiray ay dileen laba ka tirsan askarta dowlada oo xiligaasi fal dinbiyeed ku guda jiray balse taasi ayaa waxaa ka danbeeyay Ciidamadaasi oo wadada Isgoyska Zobbe loo galay ka dibna uu dagaalka balaartay.

Inta la ogyahay waxaa geeriyootay 5-ruux oo Saddex ka mid ah ay askarta dagaalantay ahaayeen waxaana dhaawac ahaa loo dhigay isbitaalka Madiina 7-ruux oo rayid u badan.

Xaalada ayaa maanta ilaa caawa ah mid aad u kacsan iyadoo labada ciidan ay kala daganyihiin dhismaha Villa Baydhabo iyo Isgoyska Zobbe taasi oo xilli waliba laga cabsi qabo in dagaalo ay dhexmaraan labada ciidan.

Isfahandarada labada Ciidan Ee Maxkamadaha dowlada raacsan iyo kuwa dowladii madaxweyne Yuusuf ka haray ayaa waxa ay sababtaa isku dhac Ciidan taasi oo fashil ku ah in ay labadaasi Ciidan ka wada dagaal galaan Goobaha ay uga soo hor’jeedaan Islaamiyiinta Mucaaradka ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.