Bartamaha (Libiya):- Ciidamada Illaalada Xabsiyada Wadanka Liibiya ayaa xalay saqdii dhexe dil toogasho ah kula dhaqaaqay dhalinyaro Maxaabiis Soomaaliyeed ah oo isku dayay in ay baxsadaan.
Ilaalada Xabsiga Bangazi Ee Dalka Liibiya ayaa waxa ay falkan dilka ah ku dhaqaaqeen ka dib markii Maxaabiista ay isku dayeen in ay ka baxsadaan xabsigaasi oo ay ku jireen in muddo ah Maxkamad la’aan.
Qaar ka mida Maxaabiista xabsigaasi ka baxsatay ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay qorsheeyeen Maxaabiista in laga baxsado xabsiga maadaama lagu daalay iyadoo xiligaasi ay goobta ku xernaayeen in ka badan 50-Maxaabiis ah.
Xilli ay hurden ciidamada Ilaalada ayaa waxaa la shegayaa in maxaabiista ay bilaabeen Jabinta albaabka Xabsiga taasi oo ay ku guuleysteen balse albaabka hore Ee Xabsiga ay rasaas ka bilaabatay ka dib markii ay qaar ka mida maxaabiista isku dayeen in ay baxaan.
Ciidamada ayaa waxa ay bilaabeen in ay rasaasta nool-nool ku furan maxaabiista oo qaarkood doonayay in ay ka boodaan dirbiga Xabsigaasi wallow rasaas qaarkood looga soo daadajiyay.
Inta la xaqiijiyay waxaa gudaha Xabsiga lagu dilay 20-dhalinyaro Soomaali ah halka qaar ka mida dhaawac ahaan ay uga baxsadeen xabsigaasi kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya daafaha Magaalada Bangazi Ee Dalkaasi Liibiya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.