Bartamaha(France):-Ciidamada Faransiis ee ku sugan jooga Biyaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro la sheegay in ay ahaayeen Burcad Badeed dhibaato ka waday biyaha Soomaaliya.
Afhayeenka u hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Faransiiska ayaa waxa uu sheegay in ay qabteen 12-ka mida Burcad Badeeda Soomaalida xilli ay ku sugnaayeen biyaha Siishalis.
Sargaal Faransiiska u hadlayay ayaa caddeeyay in dhalinyarada Burcad Badeeda ah ay ahaayeen kuwa aad u hubaysan islamarkana dhawaan la geynayo maxkamad la soo taagayo.
Burcad Badeed lama yaqaan halkii la geeyay iyadoo Ciidamada Faransiiska ay wadaan qorshayaal ay ku baacsanayaan Kooxaha Burcad Badeeda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.