Ciidamada Dowlada oo xalay bandow aan hore loo shaacin ka sameeyay Degmada Dharkenley Ee Muqdisho.

Posted on Aug 6 2009 - 7:57am by News Desk
Tweet
Pin It

 dowdBartamaha (Muqdisho):- Ciidamada dowlada Fd Soomaaliya ayaa xalay gabi ahaanba bandow ku soo rogay qeybo badan oo ka mida Degmada Dharkenley Ee Muqdisho .

Ciidamada ayaa gabi ahaanba waxa ay isku faafiyeen xaafado ka mida Degmada Dharkenley iyagoo ku amray dadka deegaanadaasi in ay xeraan goobaha ganacsiga guryahoodana ay ku ekeaadaan.

Xaafadaha Mac-macaanka,Dabakaayo Madow iyo Dabaqayn ayay gabi ahaanba askarta ka dhigeen mid bandow ah iyadoo dadka ay xaafadahooda ku kala xaroodeen abaara 8:00-Fiidnimo Ee Xalay xiligaasi oo ciidamada ay deegaanadaasi isku fidiyeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Degmada Dharkenley eek u aadan bandowga aan sababtiisa la shaacin ee xalay lagu soo rogay Degmadaasi.

Shalay ayay ahayd xiligii hoolgalikii ugu balaarnaa ay Ciidamada Dowlada ka samaynayeen xaafado ka mida Degmada Dharkenley halkaasi oo ay ku xer-xereen arday School iyo dhalinyaro deegaankaasi ahayd.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.