Bartamaha (Balad-Weyne):- Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa xalay rasaas ky furay gaari marayay gudaha magaalada Baladweyne taasi oo sababtay dhaawaca 2-ruux oo ratid ah.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay rasaas ku bilaabeen gaari nuuca raaxada ah kaasi oo soo hormarayay guri uu magaaladaasi ka daganyahay sargaal ka tirsan Ciidamada Dowlada.
Gaariga ayaa la sheegayaa in ay saarnayeen 2-ruux oo mid ka mida ay ahayd Haweenay kuwaasi oo loola cararay goobaha Caafimaadka magaaladaasi ka dib muddo ay ciidamada baarayeen markii ay dhaawacmeen ka dib.
Maamulka B/Weyne ayaa horey u sheegay in ay adkeynayaan ammaanka Deegaanada ay maamulaan gaar ahaan goobaha ay daganyihiin masuuliyiinta dowlada taasi oo haatan keentay in Ciidamada ay rasaaseeyaan cid waliba oo ay ka shakiyaan.
Ma aha markii ugu horeysay Ee Ciidamada Dowlada ay ku dhaqaaqaan fal ceynkan oo kala ah dhawaana ayay ahayd xilli aroor hore ah ay rasaas ku bilaabeen ciidamada gaari rakaab ah kaasi oo dad rayid ah ay ku dileen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.