Ciidamada Dowlada oo saaka howl-galo ka sameeyay Xaafado ka mida Degmada Dharkenley Ee Muqdisho.

Posted on Aug 5 2009 - 2:29pm by News Desk
Tweet
Pin It

askartaBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa saaka bilaabay howlgalo baaritaana ah oo ay ka sameeyeen xaafado ka mida Degmada Dharkenley Ee Muqdisho halkaasi oo ay ku soo qab-qabteen dhalinyaro Deegaankaasi ah.

Ciidamada Dowlada ayaa isku fidiyay dhammaan xaafadaha kala duwan Ee Magalaadaasi iyagoo wadda waliba oo deegaankaasi ah ay tageen askarta dowlada oo xiliyada qaar rasaas sare u ridayay.

Howlgalkan ay ku dhaqaaqeen Ciidamada dowlada ayaa ahaa midkii ugu balaarnaa ee maalmahan ka dhaca Degmadaasi iyadoo ay ku qab-qabteen dhalinyaro kor u dhaafaysa 50-dhalinyara ah wallow ay dib u daayeen 40ka mida dhalinyarada ay saacadaha hayeen oo arday school u badnaa.

Illaa haatan ma jiro cid ka tirsan Saraakiisha dowlada Ee howlgalka saaka dhacay ka hadashay balse waxaa joogta noqotay qaraxyada lala beegsado Ciidamada dowlada taasi oo fura u noqotay in Ciidamada ay dilaan ama ay xeraan cid waliba ay kaga shakiyaan in ay ku egtahay islaamiyiinta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.