Ciidamada Dowlada oo maanta dhac kula dhaqaaqay gaadiidka dadweynaha wadada Maka Al-Mukarama.

Posted on Oct 3 2009 - 5:40pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC06863Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta la sheegay in ay dhac bareer ah kula dhaqaaqeen qaar ka mida gawaarida Dadweynaha.

Ciidamada Dowladsa ayaa la soo sheegay in maanta ay dhac safmareen ah kula dhaqaaqeen qaar ka mida gawaarida BL-Ka wadada Makka Al-Mukarama halkaasi oo la sheegay in ay dhac muuqda ka geysteen.

Ciidamada ayaa la xaqiijiyay in ay gawaarida la raaceen shacabka saran taasi oo sabab ka dhigtay in ay sahlanaatay dhaca safmareenka ah iyadoo dhammaan gawaarida ay raaceen ay baarasho kula dhaqaaqeen.

Dadweynaha ayaa ka cabanaya dhibaatada Ciidamada Dowlada iyadoo maanta oo kaliya la baartay gawaari 10-kor u dhaafaysa kuwaasi oo badankood shacabkii saarnaa laga qaatay Mobilada gacan qaadka.

Inta badan Ciidamada Dowlada ayaa lagu Eedeeyaa baarashada bulshada rayidka ah wallow mararka qaar madaxda Dowlada ay sheegaan in talaabo ay ka qaadayaan Ciidamadaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.