Ciidamada Dowlada oo dhaqdhaqaaqyo ku wajahan Baydhabo iyo Xudur ka bilaabay deegaanka Yeed.

Posted on Oct 2 2009 - 8:54am by News Desk
Tweet
Pin It

ciidamada midabadaBartamaha(Yeed):-Ciidamada Dowlada Fd Soomalaiya ayaa lagu soo waramayaa in ay dhaqdhaqaaqyo weerar ay ku qaadaan xarumaha Gobolada Bay iyo Bakool ay ka bilaabeen Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Yeed Ee Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay wadaan abaabulo dagaalo ay ku qaadaan Ciidamada Alshabaab ee gacanta ku haya inta badan Gobolada Bay iyo Bakool.

Ciidamada ayaa la sheegay in shalay ay soo gaareen Deegaanka Yeed iyagoo watay gaadiid badan oo nuuca dagaalka islamarkaan ay ka soo baqooleen dhanka dhulka Soomaalida Ee Itoobiya.

Saraakiisha Maamuladii hore Ee Bay iyo Bakool ayaa balan ku qaaday in saacadaha soo socxda ay weerar ku qaadayaan Magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur si meesha looga saaro Ciidamada Alshabaab.

Illaa haatan lama yaqaan halka ay sida tooska ah dagaalka uga galayaan Ciidamada Dowlada oo la sheegay in ay wehliyaan Ciidamo itoobiyaan tira yar kuwaasi oo ku soo tababaray gudaha Itoobiya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.