Ciidamada Dowlada oo bilaabay in gaadiidka ay lacago uga qaadaan Duleedka Degmada Doolow.

Posted on Sep 7 2009 - 8:33am by News Desk
Tweet
Pin It

ciidBartamaha(Doolow):-Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa bilaabay in gaadiidka ay lacago uga qaadaan Wadada isku xerta Deegaanka Doolow iyo Luuq halkaasi oo isbaaro ay soo dhigteen.

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Doolow ayaa sheegaya in halkaasi ay Ciidamada Dowlada ka bilaabeen in ay gaadiidka lacago baad ah ay uga qaadaan islamarkaana xiliyada qaar ay rasaaseeyaan.

Ciidamada Dowlada ayaa la xaqiijiyay in ay Doolow duleedkeeda ay ku qaataan lacago kor u dhaafaya 150.000-Shilin Soomaali ah taasi oo ay cabasho ka  muujiyeen gawaarida maraysa wadadaasi.

Darawalada gaadiidka qaarkood ayaa bilaabay in ay ka weecdaan maritaanka Wadada isku xerta Doolow iyo Luuq halkaasi oo anh goobta lacagaha ugu badan lagu qaado.

Deegaanka Doolow ayaa ah goob ay fariisin ku leeyihiin Madaxda Dowlada Ee Gobolada Jubooyinka iyo Gedo kuwaasi oo aa la ogayn in ay ka warhayaan lacagaha gaadiidka deegaankaasi looga qaado.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.