Ciidamada Dowlada Magaalada Balad-Weyne oo gadood mishaar la’aan ay uga cabanayaan ka sameeyay halklaasi.

Posted on Aug 16 2009 - 8:16am by News Desk
Tweet
Pin It

4894Bartamaha (Balad-Weyne):- Ciidmada dowlada Fd Soomaaliya Ee ku sugan Magaalada B/Weyne ayaa shalay galinkii danbe illaa saaka ay u xernayd wadooyin ka mida Magaaladaasi ka dib markii ay waayeen mishear ay lahaayeen.

Ciidamada Dowlada Ee Magaalada B/weyne ayaa shalay galinkii danbe waxa ay kala xereen magaaladaasi ka dib markii ay Buundooyinka Lii-liiqate iyo buundaweyn ay ka sameeyeen Bandow aan waqto lahayn.

Ciidamada ayaa waxa ay ridayeen rasaas ay magaalada oo idil shacabka ku nool uga argagixiyeen taasi oo ay ku muujinayeen gadoodkooda ku aadan lacago mishear al’aan ah oo la dhigay Ciidankaasi.

Magaalada B/weyne Ciidamada ku nool ayaa dhammaantood waxa ay ka mideysanyihiin cabashadooda ku aadan mishear la’aan la dhigay muddo 3-bilood ah iyagoo balan ku qaaday in magaalada ay dhibaata ka geysan donaan haddii aan la siinin mishaaraadka ay dalbanayaan.

Saaka ayaa magaalada Baladweyne xaaladeeda waxa ay noqotay mid caadi ah wallow illaa xiligan ay Buundooyinka Magaaladaasi ay ku suganyihiin Ciidamada Dowlada oo cara xoogan ay ka muuqato.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.