Bartamaha(Xudur):-Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Alshabaab ayaa Xalay dagaal xoogan ku galay Deegaano ka mida Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Duleedka Xudur halkaasi oo Ciidamada Dowlada ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen Ciidamada Alshabaab oo fariisin xoogan ku lahaa Duleedka Xudur.
Illaa 3-ruux ayaa la xaqiijiyay in dagaalka Xalay dhacay ay ku dhinteen kuwaasi oo dhammaan ahaa dad shacab ah iyadoo dhaawacyo ay soo gaareen 5-ruux oo labada dhinac iyo dad rayid ah ay ku jireen.
Deegaanka Dagaalka uu ka dhacay ayaa haatan waxa uu yahay mid xasiloon iyadoo aan la ogayn halka ay kala joogaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Xarakada Alshabaab oo dagaal xoogan uu dhexmaray.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.