Bartamaha (Muqdisho):- Ciidamadan ka tirsan kuwa Dowlada ayaa la sheegayaa in ay manta laba jeer ay dhac kula dhaqaaqeen gawaarida Bl-ka ah Ee ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay wadada u dhexeysa Ex-Control iyo Kuliyadii Jaale Siyaad ay u galeen gawaaridana Bl-ka ah iyadoo in ka badan 10-gaari ay wadada ku xerteen ka dinba ay bilaabeen baarasho ay kula dhaqaaqeen shacabka gaarigaasi saarnaa.
Baarashada gawaaridan ayaa waxa ay ahayd mid qorsheysan sida ay ku doodeen qaar ka mida dadkii manta laga qaatay lacagaha iyo Mobilada ay watteen ka dib markii gawaaridaasi waddoyinka laga xertay inta dhacca lagu wadday.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa deegaanka u dhexeeya Wadada Jaale Siyaad iyo Ex-Control Afgooye waxaa ku soo badanayay ciidamada lacagaha baada ah ku qaata Ex-Control kuwaasi oo mararka qaar Baarashada iyo dhacca mobilada caada ka yeeshay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.