Bartamaha (B/Weyne) Ciidamada Ethiopia ayaa saaka guud ahaan isaga baxay Magaalada Balad-weyne oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.
Ciidamada Dowlada Itoobiya ayaa saaka waxa ay ka guureen fariisinadii ay ku lahaayeen laamihii la soo dhaafay Magaalada Balad-weyne gaar ahaan galbeedka Magaalada.
Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Magalada Balad-Weyne ayaa sheegaya in halkaasi ay saaka si rasmi ah u faarujiyeen Ciidamadaii Itoobiya Ee dhawaan soo dagay galbeedka Magaalada.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay u jeheesteen dhanka dhulka soomaalida Ee Itoobiya maamusho iyadoo aanay jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Dowlada Ee Magaalada B/Weyne.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.