Ciidamada dowlada Ee Balad-Weyne oo bilaabay howlgalo Baaritaana ah iyo Magaaladaasi oo u xuubsiibatay goob Ciidan.

Posted on Jul 29 2009 - 6:11pm by News Desk
Tweet
Pin It

4125Bartamaha(Balad-Weyn):-Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gabi ahaan Magaalada Baladweyne ayaa bilaabay howlgalo ay ammaanka Magaaladaasi wax uga badalayaan.

Ciidamada ayaa baaritaano kula dhaqaaqaya dhammaan gaadiidka isaga kala gooshaya Magaaladaasi iyo kuwa mara wadooyinka ka baxa B/weyne ee u jiheesta Gobolada dhexe iyo Itoobiya.

Baaritaano aad u balaaran ayaa waxa ay sidoo kale ka sameeyaan Ciidamada gudaha suuqyada Magaalada iyagoo dhalinyarada si gaar ah uga baara hubka kuwaasi oo ay ku amraan in shaararka ay kor u qaadaan.

Dhammaan Magaaladaasi Baladweyne ayaa haatan ah magaalo Ciidan iyado wadooyin lagu arkayo Ciidamada Dowlada oo baaritaano iyo roondooyin wada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.