Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Ciidamada Dowlada Goboleedka Puntland ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee dilay Wasiirkii Warfaafinta Puntland Wasrame Cali Shirwac.
Ciidamada Ammaanka Magaalada Gaal-kacyo ayaa bilaabay howlgaladaasi maalintii shalay illa xalay kuwaasi oo raadraac ku sameynaya 6-dii ruux ee ka qeybqaadatay dilka Wasiirkaasi.
Howlgaladan oo Ciidamada Booliiska ay ka wadaan wadooyinka Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid lagu baadi goobayo kooxihii dilka u geystay Wasiirkii Warfaafinta  Warsame Cabdi Shirwac Seefta-Banaanka.
Illaa haatan ma jiro cid loo qabtay dilka Allaha –u-Naxriistee Warsame Cabdi Shirwac iyadoo la sheegay in kooxda dilka geystay ay si nabad ah uga dhaqaaqeen goobta ay ku dileen wasiirka oo ay ka agdhawaayeen qaar ka mida Ciidamada dowlada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.