Ciidamada Booliiska Puntland oo xabsiga dhigay nin gacan ku dhiigla ah .

Posted on Oct 12 2009 - 7:43am by News Desk
Tweet
Pin It

galkacyyoBartamaha(Gaal-Kacyo):- Ciidamada Booliiska Maamulka Magaalada Gaal-Kacyo ayaa gacanta ku soo dhigay nin gacan ku dhiigla aha kaasi oo dil ka geystay Magaaladaasi.

Taliska Ciidamada Booliiska Gobolka Mudug ayaa caddeeyay in Ciidamadooda ay ku guuleysteen soo qabashada nin habeen hore dil ka geystay Gaal-Kacyo.

Col.Muuse Axmed “Xasaasi” oo la hadlayay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Booliiska ay soo xereen ninkaasi gacan ku dhiigla ah xilli howlkgalo ay ka sameeyeen Xaafada Garsoor.

Taliye Muuse Xasaasi ayaa qoray in ammaanka gaal-Kacyo uu weli yahay mid Qatar ah balse daqiiqad waliba ay ku howlanyihiin Ciidamada in ay soo qabtaan kooxaha falalka ammaan daro ka wada Magaaladaasi.

Dilalka da’yarta ayaa joogta ka noqday Magaalada Gaal-Kacyo gaar ahaan xaafadaha Woqooyi halkaasi oo illaa haatan loo tag la’yahay kooxo dilal ka wada gudaha Magaalada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.