Bartamaha (Muqdisho)Â Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta gacanta ku soo dhigay rag geystay dhac gudaha Degmada Xamar Weyne Ee Muqdisho.
Ciidamada Booliiska ayaa dagaal kooban la galay 2-ka tirsan Ciidamada Dowlada oo maanta dhac ka geystay gudaha Degmada Xamar Weyne Ee Muqdisho halkaasi oo dhawaanahan amman daro baahsan laga dareemayay.
Taliyaha Qeybta Booliiska Bartamaha Col.Cali Gaab oo saxaafada kula hadlayay Saldhiga Centrale Ee Degmada Xamarweyne ayaa waxa uu sheegay in raga ay qabteen ay ahaayeen Ciidamada Dowlada balse tuuganimo cad lagu qabtay.
Taliyaha nayaa waxa uu sheegay in labadaasi nin oo kaliya aanay ahayn dadka dhacca ka geysta Magaalada Muqdisho balse ay jiraan Ciidamo kale oo dowlada magaceeda ku shaqeeya balse cada ka yeeshay tuuganimada.
Qabashada raggaasi Ciidamada Dowlada ka tirsan balse maanta lagu qabtay dhacca bulshada maatada ah ee Degmada Xamarweyne ayaa imaanaysa xili dhawaanahan ay soo badanayeen Ciidamada baneysatay dhacca bulshada aan hubaysnayn.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.