Bartamaha(Nairobi):-Ciidamada Badda Turkiga ayaa soo bandhigay muuqaalka rag ay ku sheegeen Burcad Badeed kuwaasi oo ay ku qabteen meel ka baxsan Biyaha Soomaaliya.
Sargaal u hadlay Ciidamada Merineska Turkiga ayaa daaha ka qaaday in ay qabteen 7-ka mida Burcad Badeeda kuwaasi oo doonayay in ay markab afduubtaan.
Raga la qabtay ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay meel qiyaastii 55-Mail u jirta Miyaha Soomaaliya taasi oo lagu sheegay in ay muujinayso ragaasi waxa ay ahaayeen.
Wepsite ay leeyihiin Ciidamada Turkiga ayaa lagu soo muujiyay sawir la sheegay in laga soo qaaday Burcad Badeeda la qabtay kuwaasi oo lagu dulhaayay doonta ay la socdeen.
Ma aha markii ugu horaysay ee Cidiamada Turkiga ay qabtaan Burcad Badeed waxa ayna xiligan imaanaysa qabashada ragaasi xilli Laba cisho ka hor sargaalk Burcad Badeed ah iyo Kooxdii la socotay la dilay iyadoo faransiiska askartooda ay Burcad Badeed kale qabsadeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.