Ciidamada Badda Maraykanka oo badbaadiyay Markab laga leeyahay Tanzania

Posted on Feb 24 2010 - 6:51am by News Desk
Tweet
Pin It

budhcad-badeed soomaaliyaBartamaha(Tanzania):-Ciidamada Badda Dalka Maraykanka ayaa badbaadiyay Marakab laga leeyahay Wadanka Tansaaniya kaasi oo weerar kala kulmay Koox Burcad Badeed ah gudaha Biyaha Soomaaliya.

Cidiamada Badda Maraykanka ayaa fashiliyay qorshe isku day afduub oo ay ku dhaqaaqeen Kooxaha Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya kaasi oo ay ku weerareen markab Tansaaniya laga leeyahay sida ay qortay Wakaalada Wararka AFP.

Kooxda Burcad Badeeda ah ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen markab laga leeyahay Tansaaniya kaasi oo marayay meel ka yara baxsan Biyaha Soomaaliya bals ay Burcad Badeeda soo weerareen.

Illaa 8-Nin oo Burcad Badeed ah ayaa lagu qabtay weerar xilli ay ku hayeen Marakabka laga leeyahay Tansaaniya kaasi oo gurmad ka helay Markan dagaal ay lahaayeen Ciidamada Maraykanka.

Saraakiisha Cidiamada Maraykanka waxa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan qaabka ay howlgalka u sameeyeen waxaana ay xaqiijiyeen in ay qabteen 8-nin oo Burcad Badeed ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliya

Muqdisho-Somalia.