Bartamaha ( Muqdisho) Ciidamada badda Dowlada KMG ah ka tirsan ayaa maanta bilaabay in ay lacago baad ah ka qaataan Kaluumaysatada Xeebaha Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ilaalada badda Dowlada Soomaliya oo dhawaan ay Dowlada tababartay ayaa maanta badda isbaaro dhigtay ka dib markii ay lacago ku bilaabeen in ay ka qaadaan Kaluumaysatada oo qalqal ay galiyeen maanta.
Kaluumaysatada Muqdisho ayaa afka furtay iyadoo Cabashadooda ay ku soo gudbiyeen warfidiyeenada oo ay u sheegeen in la bilaabay Isbaaro badda ah xilli ay ka cabanayeen isbaaro Kawaanka looga qaado.
Kaluumaysatada ayaa waxa sheegeen in doon walba maanta si awood ah looga qaatay lacago canshuur loogu sheegay oo gaaraysay illaa 15.000-Sh.som ah oo u dhiganta 0.5-$.
Isbarada maanta ayaa waxa ay ahayd mid la yaab ku noqotay dadka dagan Xeebta Muqdisho kuwaasi oo wax iska weydiinayay Ciidamada waxa loo tababaray iyo shaqada ay durbaba bilaabeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.