Ciidamada Amisom oo waqtiga ay joogayaan Soomaaliya loo kordhiyay.

Posted on Jan 9 2010 - 8:51am by News Desk
Tweet
Pin It

AUBartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Amisom ee ku sugan dalka Soomaaliya  ayaa loo kordhiyay xiliga ay howlgalada ka wadayaan Dalka Soomaaliya.

Kulan ammanka guud ee Soomaaliya looga hadlayay oo ka dhacay Magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa lagu go’aamiyay in Amisom waqtiga loo kordhiyo.

Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in ay wax badan ka badaleen ammaanka guud ee Soomaaliya sida lagus heegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ururka Midowga Afrika.

Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Jiin Bing oo wax laga weydiiyay kulankooda ka dhacay Addis-Ababa ayaa sheegay in ay waqtiga ugu kordhiyeen Ciidanka AMisom Ee Soomaaliya jooga.

Masuulkaasi ayaa waxa uu sheegay in dala soomaaliya lo baahanyahay in la dhamaystiro Ciidamadii la geyn lahaa oo gaarayay 8.000-Askari taasi oo haatan la dhamaystiray sida uu sheegay.

Jiin Bing ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya dhibaatada ka jirtaa ay sii badanayso oo ay halis tahay in ay ku baahdo gobolka geeska afrika oo dhan haddii aan laga gaarin.

Ciidanka Amisom ayaa la isku raacay in ay soomaaliya sii joogaan 6-bil ee soo aadan si ay wax uga badalaan ammaanka guud ee Dalka Soomaaliya iyadoo laga dalbaday in ay dhaqdhaqaaq dhanka ammaanka ah sameeyaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.