Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Amisom ee dagan dhismaha Shaqaalaha Wadada Makka Al Mukarama Magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku shanaqay gaari Bl-ah.
Shalay gabal dhicii ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Amisom ay rasaas ula kac ah la beegsadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah wadada Makka Al Mukarama Magaalada Muqdisho.
Gaariga Bl-ka ah ayaa la sheegayaa in uu marayay afaafka hore ee wadada ay xerteen Ciidanka AMisomgaar ahaan agagaarka Dhismaha Shaqaalaha wadada Makka Al Mukarama Muqdisho.
Gaariga Bl-ka ah ayaa marayay qeynta wadada ay ka furantahay iyadoo aan la garan sababta dhabta ah oo ay u beegsadeen Ciidamada Amisom ee dagan wadada Makka Al M ukarama.
Inta la ogyahay waxaa dhintay 4-ruux waxaana dhaawac ahaan loo qaaday 8-kale oo dhammaan dad shacab ah markii rasaas xoogan ay Ciidanka Amisom la beegsadeen gaariga dadweynaha.
Inta badan Ciidamada Amisom ayaa lagu eedeeyaa xasuuqa shacabka waxaana rasaasta shalay ay gaariga ka fureen ay qeyb ka tahay dhibaatooyin ay horay uga geysteen Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia