Ciidamada Amisom iyo kuwa Xarakada Alshabaab oo maanta ku dagaalamay qeybo ka mida Degmada Hodon.

Posted on Sep 8 2009 - 8:19pm by News Desk
Tweet
Pin It

ciidamadaBartamaha(Muqdisho):-Dagaalo u dhexeeyaya Ciidamada Amisom iyo kuwa Alshabaab oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Degmada Hodon ka dib markii Ciidamada Amisom ay isku soo fidiyeen Xaafado ka mida Degmadsaasi.

Goobaha labaca Ciidan ay isku fara saareen ayaa waxaa ka mida Wadooyinka Kuliyadii Jaale Siyaad,Warshadii Caanaha,Fagaaraha Terbuunka iyo deegaano kale kuwaasi oo ay duhurnimadii maanta soo buuxiyeen Ciidamada Amisom.

Wadooyinka lagu hardamay ayaa intooda badan waxa ay yihiin kuwa aanay shacab daganayn balse dagaalka ayaa waxaa la socday madaafiic kuwaasi oo lagu garaacay Degmooyinka Howl-wadaag iyo xaafadaha Al-Barakada iyo KPP.

Ciidamada Burundiga oo ka mida kuwa Amisom ayaa waxa ay dib ugu laabteen fariisinadii ay ka soo duulaan tageen taasi oo aan la ogayn sababta ka danbeysay wallow ay dagaalo kala kulmeen dhanka Kooxda Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.