Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Amisom oo shalay galinkii danbe rasaas iyo madaafiic ku garaaceen dooni kaluumaysato reer Muqdisho ah ay saarnaayeen taasi oo maraysay xeebaha ku aadan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho xilli ay ku sii jeeday Xeebaha Jaziira.
Ciidamada Amisom ayaa rasaas ku bilaabay ka dib markii doonida oo ay la socdeen 2-dhalinyaro ah ay ku soo dhawaatay xeebaha ku aadan garoonka diyaaradaha Ee Muqdisho halkaasi oo ay ilaala xoogani ka hayeen ciidamadaasi.
Dhalinyarada labada ahaa ee la socotay doonida la rasaaseeyay ayaa waxa ay sheegeen in ay ku wajahnayeen Deegaanka Jaziira isla markaasina ay ka soo dhaqaaqeen xeebaha Liida waxa ayna sheegeen in aanay la socan ciidamada xeebahaasi maritaanka u diiday.
Mid ka mida labada nine ee doonida la weeraray la socday ayaa sheegay in gabi ahaanba ay ciidamada Baasuuke ku dhifteen doonidaasi isla mar’ahaantaana ay isaga boodeen iyaga doonida oo olol uu ka baxayo sidaana ay kaga badbaadeen.
Inta badan ciidamada Amisom ayaa waxa ay ciriiri xoogani galiyeen kaluumaystayaasha xeebaha ku aadan agroonka iyo Dakadda Muqdisho halkaasi oo ay ka kaluumaystaan ciidamadaasi oo kaliya isla markaasina ay rasaas la beegsadaan doonidii ku soo dhawaataa xeebaha ay maamulaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia