Ciidamada Alshabaab oo maanta howlo baaritaana ah ka sameeyay Wadooyin ka mida Magaalada Muqdisho

Posted on Aug 31 2009 - 5:29pm by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha (Muqdisho) Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa maanta dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo baaritaano gaadiidka ah ka sameeyay wadada Warshadaha qeybo ka mida .

Ciidamada Alshabaab ayaa duhurnimadii maanta waxa ay howlo baaritaana ah ka sameeyeen Wadada Baar Ubax ilaa Black Sea halkaasi oo muddo ay ku sugnaayeen iyagoo bilaabay in ay dhalinyarada timaha ka jaraan.

Dhanka wadada Warshadaha ayaa sidoo kale Maleeshiyaadka Islaamiyiinta ay bilaabeen in ay dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka sameeyaan kuwaasi oo aan la kala garan Karin kooxda ay ahaayeen maadaama dares kala duwan ay wateen Ciidamadaasi.

Xoogaga Islaamiga ah Ee maanta dhaqdhaqaaqyada ka sameeyay wadada Warshadaha iyo kuwa baaritaanada ka sameeyay Baar ubax ayaa waxa ay ahaayeen badankood kuwa Alshabaab oo watay dareeska cagaran oo ay caanka ku yihiin kooxdaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.