Bartamaha(B/Xaawo):- Ciidamada Ahlu-Sunnah ayaa Xalay weerar gaadma ah ku soo qaaday fariisinada Kooxda Alshabaab duleedka Degmada Balad Xaawo Ee Gobolka Gedo.
Xiliga weerarka uu dhacayay oo ahayd waqti danbe oo Xalay ah ayaa waxaa la sheegay in in Ciidamada Alshabaab oo aan filanayn weerar gaadma ah hurdada looga toosiyay.
Weerarka gaadmada ah ayaa waxaa la sheegay in uu sabab u noqday in la dilo 2-askaro oo Alshabaab ka tirsan islamarkaana la furto hubkii ay wateen.
Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay ka soo carareen goobta weerarka gaadmada ah lagula soo qaaday iyadoo ay gudaha u soo galeen Degmada Balad-Xaawo.
Maleeshiyada Ahlu-Sunnah oo dhankooda weerarka gaadmada ah ku soo qaaday ayaa isaga baxday saaka xilli hore Deegaanka Balad-Xaawo duleedkiisa oo Xalay ay yimaadeen ka dibna ay dib ugu noqdeen Deegaanka Doolow.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.