Bartamaha(Muqdisho):-Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kuwii ugu balaarnaa ayaa laga dareemayaa gobolada dalka soomaaliya oo ay wada joogaan ciidamada Dowlada oo aan tag balaaran ku lahayn iyo kooxaha mucaaradka o ka taliya inta badan goboladaasi.
Xubno ka mida Wasiirada Dowlada iyo Xildhibaano iyo Sidoo kale Saraakiil Maxkamadaha dowlada raacsan ah ayaa wada guluf colaadeed ay doonayaan in ay ku weeraraan gobolada Sh.Dhexe,Hiiraan,Galgaduud,Gedo iyo Bakool.
Ciidamada ayaa waxa ay bilaabeen in ay qaarkood bilaabaan in ay u dhaqaaqaan gobo ay ku suganyihiin koxaha islaamiyiinta sida Gobolka Gedo Deegaanbka Luuq iyo gobolka Bakool Deegaanka Bardaale halkaasi oo laga cabsi qabo in uu dagaalka ugu horeeya uu ka qarxo.
Ciidamo uu wato Wasiirka Ammaanka Dowlad Fd soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ayaa la tilmaamayaa in ay u jeheesteen qeyba ka mida gobolka Hiiraan sida deegaanka Baladweyne gobo galbeedka ka xiga oo ay joogaan kooxda Xizbul Islaam oo u diyaargarooway in ay la dagaalamaan Ciidamada Itoobiyaanka haddii ay soo dhaqaaqaan.
Xildhibaan Maxmuud Sayid Aadan iyo ciidamo balaaran uu watay ayaa la sheegayaa in ay ka soo dhaqaaqeen deegaanka Doolow oo ay beryihii la soo dhaafay ku sugnaayeen halkaasi oo ay xiriir xooganina la soo sameynayeen ciidamada islaamiyiinta wallow lagu guuldaraystay in la heshiisiiyo labadaasi dhinac iyadoo laga cabsi qabo in xildhibaanka iyo ciidamadiisa ay dagaal ku soo yihiin Luuq.
Sheekh Yuusuf Indha Cadde iy ciidamo uu maalmihii la soo dhaafay u aruurinayay degmada Dharkenley ayaa bilaabay in ay qaarkood saaka dagaal ku qaadaan Saldhiga galbeed halkaasi oo ay qaar ka mida ciidamada Indha cade ay dhanka Xeebta u dhaqaaqeen si ay Deegaanka Jaziira xoogga u saaraan oo ay ku sii wajahanyihiin dhanka magaalada Marka.
Gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe ayaa iyana waxaa ka taagan diyaargarow dagaal abaabulan ah oo ciidamada deegaanadaasi ku sugan ee xiriirka fiican uu kala dhexeeyo dowlada ay wadaan taasi oo ay donayaan in ay ku wajahaan kooxaha Islaamiyiinta ah Ee Alshabaab iyo Xizbul islaam kuwaasi oo ku wada sugan goboladaasi.
Xaalada goboladaasi ayaa aad u kacsan iyadoo dhanka kooxaha Islaamiyiinta iskaashanaya ay bilaabeen in ay ka soo baxaan deeganada ay ku xooganyihiin sida Jubooyinka halkaasi oo ay soo wajaheen gobolada haatan ciidamada Abaabulan laga sameeyay si ay u wiiqaan awooda kooxahaasi xilli muqdisho uu dagaal uga furanyahay.
Lama oga in ay guulaysan doonaan ciidamadan maleeshiyaadka deeganaadaasi u badan ee haatan la doonayo in lagu jabiyo awoodda kooxaha islaamiyiinta ay dowlada soomaaliya isku hayaan magaalada Muqdisho oo ay xarunta madaxtooyada ay u jiraan wax ka yar 1-KM.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia