Bartamaha(Muqdisho):-Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay weeraro muuqda ku qaadi doonto Xarumaha Ciidamada Amisom Ee Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinkii laga soo diray si loogu aargudo shacabkii shalay la xaquuqay. Gudoomiyaha Wilaayada Gobolka Banaadir Ee Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo Saxaafada Muqdisho kula hadlayaya ayaa waxa uu sheegay...Continue reading »

Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Kooxo dablay ah ayaa Xalay dil u geystay Nabadoon Caan ka ahaa deegaanadaasi kaasi oo xalay u dhintay rasaas ay ku fureen koox hubaysan. Nabadoon C/laahi Ibraahim Baabul-kabiir oo ahaa gudoomiyihii Digil iyo Mirifle gobolada dhexe  ayaa Xalay rag hubaysan ay ku dileen bartamaha Magaalada Gaal-Kacyo. Nabadoonka la dilay ayaa waxaa la sheegay in...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Amisom gaari nuuca qafilan oo ay lahaayeen ayaa shalay galinki danbe jiiray gari nuuca raaxada oo marayay wadada Makka Al-Mukarama Ee Muqdisho. Gaariga ay leeyihiin Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in uu gadaal uga yimid gaari nuuca raaxadaha oo ahaa MARK2 kaasi oo dhinac uu ka jiiray gaariga qafilan ee Amisom ay lahaayeen. Illaa 4-ruux ayaa...Continue reading »

Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Qarax Bambaano ayaa Xalay lagu weeraray Ciidamo Booliiska Magaalada Gaal-Kacyo ka tirsan kaasi oo dhimasho iyo dhaawac sababay. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday gaari marayay Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaal-Kacyo kaasi oo sababay dhimashada 2-Askari iyo dhaawaca 4-ruux oo kale oo Askar ay ku jireeen. Rasaas culus ayaa laga maqlay Magaalada ka dib...Continue reading »

Harun Maruf (VOA) Xildhibaanadan ayaa sheegay inaysan u adkaysan karin duqaymo noocan oo kale ah oo lagula kaco suuqaaasi. Afhayeen u hadlay xildhibaanada oo lagu magacaabo Bootaan Ciise Caalim ayaa u sheegay saxaafadda in duqayntaasi ay ka dambeeyeen ciidamada AMISOM. Xildhibaannada ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay ka fogaadaan duqayn tan la mid ah inay dhacdo. Xildhibaan...Continue reading »

Bartamaha(Boosaaso):-Madaxweynihii hore Ee Puntlandi ayaa ku soo laabtay Magaalada Boosaaso oo uu in mudda ah ka maqnaa iyagoo si weyn Boosaaso loogu soo dhaweeyay. Maxamuud Muuse Xirsi “Cadde Muuse” ayaa galabta soo gaaray Magaalada Boosaaso iyadoo ay soo dhaweeyeen dadweyne aad u fara badan iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntlandi. Cadde Muuse ayaa gaaray...Continue reading »

Bartamaha(Sycheles):-Burcad Badeeda buyaha Soomaaliya ayaa weerar kula wareegay markab watay Calanka Wadanka Panama kaasi oo marayay Xeebaha Jasiirada Sycheles. Afduubka ayaa dhacay ka dib dagaal iyo Madaafiic ay ku weerareen Markabkaasi oo ahaa nuuca Xauulka wallow Muddo yar ka dib ay dusha uga dheceen Maamulka Markabkana ay la wareegeen. Markabka la afduubtay ayaa lagu...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Fd Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabka ka dhoofay Magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda Magaalada London Ee Cariga Ingiriiska. Wafdi Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Jurinle,Wasiirka Amniga Maxmed C/laahi...Continue reading »

Bartamaha(Baydhabo):-Dab xoogan ayaa duhurnimadii Maanta ka kacay Bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay halkaasi oo dadaal lagu daminayo dabkaasi uu ka socanayo. Dabka Xoogan ayaa abaara 12:00-Duhurnimo ka kacay goob Bakhaar raashin gudaha Magaalada Baydhabo halkaasi oo dhibaato xoogan ay ka dhalatay. Dabka ayaa ku faafay goob shidaal lagu iibinayay oo ku...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Qasaarihii ka dhashay Madaafiicdii Saaka dadka Muqdisho hurdada looga toosiyay ayaa sii kordhaysa iyadoo inta la ogyahay ay dhinteen 30-ruux 60-kalana dhaawacyo inta badan Culus ay soo gaareen. Madaafiicda ayaa badankood waxa ay dadka ku laayeen Xaafadaha Siigaale,KPP,Isgoyska Bakaaraha iyo Howl-Wadaag halkaasi oo madaafiic darandoori ah lagu soo garaacayay. Dhawaqa...Continue reading »

Bartamaha(Asmara):-Madaxweynaha Dowlada Eritrea oo la hadlayay wakaalada Wararka Rauters ayaa waxa uu sheegay in dagaalada Soomaaliya ay ka danbeeyaa saddexda dale e xadka la wadaaga Soomaaliya. Madaxweyne Isaias Afewerki ayaa shaaca ka qaaday in Dowladiisa ay ka warqabto in dhibaatada Soomnaaliya ay ka danbeeyaan dalalka Ethiopia ,Jabuuti iyo Kenya kuwaasi oo bansiin...Continue reading »

Bartamaha(Kismaayo):-Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ee galbeedka Magaalada Kismaayo ayaa saaka dagan ka dib dagaalo shalay aroortii ka dhacay halkaasi. Wararka ka imaanaya deegaanka Birta dheer ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay xasiloontahay ka dib dagaal shalay dhexmaray Ciidamada Alshabaab iyo Xizbul Islaam. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Alshabaab...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal qaraar oo u dhexeeyay Amisom iyo Alshabaab ayaa saaka waxa uu ka dhacay  afaafka hore ee Kuliyadii Jaale Siyaad halkaasi oo Weerar lagu qaaday. Ciidamada Alshabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen fadhiga Ciidamada Amisom ee wadada Warshadaha gaar ahaan Jaale Siyaad halkaasi oo waxyeela ay ka soo gaartay dad shacab ah. Dagaalka ayaa waxa uu...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Amisom iyo Xoogaga Mucaaradka ayaa saaka Madaafiic isku dhaafsanaya Magaalada Muqdisho taasi oo meela badan ku dhacaysa. Madaafiicda ayaa bilaabataya ka dib markii Islaamiyiinta ay weerar hoobiyayaal ah ay ku qaadeen dhammaan Xarumaha Amisom Muqdisho taasi oo jawab culus ay ka soo baxayso. Ciidamada Amisom ayaa madaafiic ka soo tuurayay Xarumaha...Continue reading »

Bartamaha Minneapolis — Inkastoo xoogaa laga joogo maalintii ciidda haddana waxaan idinla jeclaysanay oo mar kale idin tusaynaa xafladdii loo sameeyay carruurta Soomaaliyeed, Xafladan waxaa sameeyay Brian Coyle, Minneapolis. Carruurta Soomaaliyeed waxaa fiican in sidaan oo kale in xaflado iyaga khuseeya meel kastoo ay joogaan loo sameeyo. Daawada: ...

Bartamaha(Kismaayo):-Dagaalo xoogan oo u dhexeeyay Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayaa maanta mar kale ka bilowday duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose. Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday weerar ay qaadeen Ciidamada Alshabaab Kismaayo oo weerar ku ekeeyay fadhiyada Xizbul Islaam ee Deegaanka Birta dheer. Qasaaraha labada Koox diineed kala gaaray lama...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Xafiiska Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyay qoraalo hanbalya ah oo ka kala timid dalal daneeya arimaha Dalka Soomaaliya. Qoraalada oo ka kala yimid dalalka Qadar,Saudi Arabia iyo Masar ayaa la sheegay in Madaxweyne Shariif looga dalbanayay in uu raaco wadadii madaxweynihii xilka qabsaday 21-October Sanadii 1969 –kii. Sida...Continue reading »

Bartamaha(Baydhabo):-Maamulka Alshabaab Baydhabo ayaa wareegta ka soo baxday hawada maanta uga saaray laba Iadaacad oo ku taalay Magaaladaasi ka dib qoraal loo geeyay. Maamulka Alshabaab ayaa si guud u soo saaray qoraalo lagu daminayo dhammaan Idaacadaha ka furan Deegaanada ay maamulaan oo dhawaan la doonayo in la hirgaliyo amarkaasi. Dadka Magaalada Baydhabo saaka ayay...Continue reading »

Bartamaha(Jowhar):-Shilkan gaari oo ay dad badan ku dhaawacmeen ayaa galabta waxa uu ka dhacay Wadada Kongo ee duleedka Degmada Jowlhar ee Gobolka Sh/dhexe. Illaa 4-ruux ayaa ku dhaawacantay shilka gaari ee maanta ka dhacay wadada Kongo halkaasi oo uu ku rogmaday gaari ka tagay Magaalada Muqdisho. Gaariga rogmaday ayaa waxa uu ahaa mid Coasterka loo yaqaan kaasi oo socdaalkiisa...Continue reading »

Bartamaha ( Muqdisho) Ciidamada badda Dowlada KMG ah ka tirsan ayaa maanta bilaabay in ay lacago baad ah ka qaataan Kaluumaysatada Xeebaha Magaalada Muqdisho. Ciidamada ilaalada badda Dowlada Soomaliya oo dhawaan ay Dowlada tababartay ayaa maanta badda isbaaro dhigtay ka dib markii ay lacago ku bilaabeen in ay ka qaadaan Kaluumaysatada oo qalqal ay galiyeen maanta. Kaluumaysatada...Continue reading »