Baramaha(Muqdisho):-Diyaarado nuuca dagaalka ah ayaa saacadihii ugu dambeeyay lagu arkayay Hawada Muqdisho. Dadka Reer Muqdisho ayaa  waxaa la soo derestay baqdin culus markii Hawada Muqdisho lagu arkayay diyaarado nuuca dagaalka ah oo dul heehaabayay kuwaasi mararka qaar dul istaagayay meelo gaar ah. Diyaaradaha waxa ay qaadanayeen Sawiro iyadoo bixinayay Flashka Sawirka...Continue reading »

Bartamaha(Masagawaay):-Xaalada Deegaanada Masagawaay iyo Galcad ayaa saaka dagan ka dib dagaal qaraar oo shalay halkaasi ku dhexmaray Alshabaab iyo Ahlu Sunnah. Xaalada Deegaanadaasi dagaalka uu ka dhacay ayaa saaka ah mid dagan waxaana la sheegayaa in dagaalkii shalay ay ku la’deen Maleeshiyaadka Labada Koox oo faraha iskula tagay. Deegaanada dagaalka uu ka dhacay...Continue reading »

Minneapolis MN: Habeenka Sabtida waxay Bartamaha iyo 1stCup Cafe soo bandhigaan habeen ka fanka qasatan Qosolka iyo majaajilada Waxaana soo Bandhiga Abdihakin BR wiigan wuxuu ka hadalayaa Mowduucyo Culculus oo dad badani ku qoslidoontaan habeenka sabtida iska soo xaadiri 1stcup cafe. ...

Bartamaha(Muqdisho):-Jawiga Guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib duqeyn Xalay loo geystay Xaafado ka mida Magaalada. Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho ayaa Xalay six un loo duqeeyay markii Mucaaradka ay madaafiic kooban ku weerareen Madaxtooyada Villa Somalia taasina ay sababtay in jawaabta ka soo baxday shacab badan ay galaafatay noloshooda. Xaafadaha sida xun...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Qarax Bambaano ayaa Xalay lagu weeraray Ciidamada Dowlada ee dagan dhismaha Villa Baydhabo halkaasi oo ay ku xaraysanyihiin Odayaasha Militariga ah. Kooxo aan la garan ayaa Xalay Bam gacmeed ku weerartay Ciidanka Dowlada ee dagan dhismaha Villa Baydhabo Deegaanka Buula Xuubey Muqdisho. Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Bamka gacanta laga gano kaasi oo ku dhacay...Continue reading »

Bartamaha (Columbus, Ohio) Waxaa magaalada Columbus ee gobolka Ohaayo ka dhacday xaflada shaaca looga qaadayay Musharax Maxamed Saleebaan oo usoo istaagay inuu u ordo  jagada madaxweyne ee dalka Soomaaliya, doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhici doonta sanadkan dhamaadkiisa, waa sida la qiyaasayo. Xafladdan oo si ballaaran ay dadka reer Columbus ugu riyaaqeen...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa maanta Muqdisho tababar uga furtay Ciidamo ka mida kuwa Booliiska Dowlada. Dugsiga Tababarka Booliiska Ee School Policia ayaa maanta tababar looga furay 800-Askari oo ka mida Ciidamada Booliiska kuwaasi oo horay ugu soo tababar qaatay Dalka Ethiopia. Tababarka Maanta ayaa waxaa xariga ka jaray Ra’iisul Wasaare Xigeenka ahna...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada ayaa waxaa murug xoogan ku haya ammaan darada ka soo cusboonaatay Degmada Waabari Muqdisho halkaasi oo qaraxyo lagula beegsaday. Maalmihii la soo dhaafay waxa asoo badanayay qaraxyada iyo Miinooyinka lagu weerarayo Ciidamada Dowlada xiliga ay marayaan Gudaha Degmada Waabari Muqdisho. Ciidanka Dowlada ayaa walwal xoogan uu la soo dersay...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa u soo jeesatay in ay iska fogeeyaan dadka shacabka ah ee  dagan hareeraha Xarumaha  Dowlada ku shaqeyso. Waxaa maanta amar cusub la dul dhigay dadka dagan hareeraha Madaxtooyada iyo Guriga Ra’iisul Wasaaraha iyadoo la faray in saacada gudahood ay isaga guuraan dhismayaasha ay daganyihiin. Ilaalada Madaxtooyada ayaa...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Idaacadaha ku yaala Deegaanada ay Maamusho Dowlada KMG ah ayaa lo jeediyay Hanjabaad culus taasi oo ka hor’imaanaysa xuriyada Saxaafada. Idaacadaha Somaliweyn,Codka Nabada,Xurmo iyo Tusmo ayaa loo jeediyay digniin culus taasi oo kaga timid Maamulka Dowlada Ee Gobolka Banaadir. Xoghayaha guud ee Gobolka Banadir c/Kaafi Hilowle Cismaan ayaa Idaacadaha...Continue reading »

Bartamaha (Muqdisho):- Maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa Dumarka Beeraleyda ee Degmada Afgoye ku amray in ay xirtaan Jalbaab adag iyo in Magaaladda gudaheeda aan la soo marsiin karin Makiilada lagu falo beeraha. Sidoo kale wareegtadaasi ayaa lagu sheegay in gudaha degmada Afgooye aan lagu dhex arki karin sigaarka...Continue reading »

Ohio: Jilaa caan ah oo wax badan ka qosliyey Soomaalida, oo ku sugan Magalada Hargaysa ayaa waa dhawayd laga galay indhan isagoo ka bacdina indha beelay. caafimaadka indha ee Boon Xirsi oo la sheegay in wax laga qaban karo laakiin aan haysan dhaqaale fiican oo kaafiybaadhista caafimaadka indhaha baa war u soo dirsaday dadkii jecalaa fankiisa iyo asxaabtii uu ku lahaa fanka. waxaa...Continue reading »

Bartamaha (Muqdisho):-Ururka Ahlu Sunna Wal Jameecah ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay maamul cusub oo ururkaasi hoos imaan doona kaasi oo ka hawlgali doona gobolka Banaadir. Xaflad ballaaran oo maanta ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir ayna ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowlada ku meel gaarka iyo ururka Ahlu Sunna oo ku sugan magaalada Muqdisho...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Sargaal ka tirsan ciidamada Dowlada ayaa si cara leh uga hadlay duqeynta maalin walba ka dhacda Muqdisho isagoo hanjabaad u jeediyay Ciidamada Amisom. Afrax Cali Afrax  oo xilli ahaa Taliyihii Ciidamadii la kala diray ee Daraawiishta ayaa maanta ka hadlay duqeynta Amisom ay shaqada ka dhigteen taasi oo malain kasta ku dhacda Deegaanada shacabka...Continue reading »

Barnaamijka maanta ayaan gebi ku soo qaadanaynaa dhacdo Soomaalida Columbus, Ohio ku nool gilgishay, Soomaalida aduunka ku noolna si dhakhso leh u gaartay sidii caws dab lagu daaray. Haddaba arrintan dhacday ayaa ah mid aan lagu soo koobi karin daqiiqado yar, waxaan go’aansanay in Wargelin aan u hibayno todobaadkan sheekadan ka dhacday Columbus, Ohio. Imaamka Masjidka...Continue reading »

Bartamaha (Muqdisho):- Wafdiga oo uu hogaaminayeen Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe ayaa Maanta waxaa ay soo cagadhigteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya. Madaxweynaha iyo gudoomiyaha barlamaanka...Continue reading »

Bartamaha (Nairobi):-Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa tababar ugu soo xiray Ciidamo loo tababaraayay Dowladda Soomaaliya, tababarkaasi oo ka socday Dalka Uganda. Ciidamadaasi tababarka loo soo xiray ayaa tiradooda la sheegay inay tahay ilaa 2000 oo askari, waxaana tababarka ciidamadaasi siinaayay saraakiil ka socota...Continue reading »

Bartamaha (Nairobi):- Ciidamada Amaanka ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa wax ay gacanta ku dhigeen in kabadan boqol ruux oo Tahriibayaal ah kuwaasi oo u dhashay dalka Ethiopia. Arrintan ayaa timid kadib how galo ay sameeyeen Ciiidanka Amaanka magaaladda Boosaaso. Shir jaraa’iid oo ay si wada jir ah maanta ugu qabteen Saldhiga dhexe ee magaalada...Continue reading »

Bartamaha (London):- Waxaa safar shaqo ah ku imanayo Madaxwaynaha Ximan iyo Xeeb Mudane Mohamed abdullahi iyo Wafdi uu hogaaminaayo Dalka Ingiriiska Magaala madaxdeeda – London maalinta khamiista taarikhduna tahay 16 .04.2010. Maalinta sabtigana wuxuu safakiisa Madaxwaynuhu tu tagi doonaa Dolland, halkaas oo uu kula kulmi doono Ximan iyo Xeeb Diaspora forum ee...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Kooxo wejiyada soo xertay ayaa dharaar cad maanta duhurnimadii gowracay nin dhalinyara ah oo ay wateen. Ninka la gowracay ayaa waxaa da’diisa lagu qiyaasay 25-30-jir kaasi oo gacmaha iyo lugaha ka xernaa ka dibna lagu qalay Isgoyska Cali Kamiin. Ninka la gowracay ayaa waxaa dadka deegaanka ay sheegen in ay arkayeen marka gaariga laga dajinayay...Continue reading »