(Nice, France) Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa galabnimadii Isniinta, May 31, 2010, ka hadlay kulankii Madaxweynayaasha Africa –iyo France ee ka socda magaalada Nice, ee dalkaasi France. Ugu horrayn, waxa uu Madaxweynuhu uga mahad celiyey bulshada caalamka, gaar ahaan Africa, taageera ay siiyeen dowladda Soomaaliya si loo soo celiyo...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Idaacada Shabeele oo ka mid ahayd Idaacadaha ku yaala dhulka ay ka taliyaan Alshabaab ayaa saaka isaga guurtay Suuqa Bakaaraha. Idaacada Shabeele ayaa xilli hore oo saaka ah si qarsoodi ah u soo qaadatay inta ugu mihiimsanayd qalabkeeda waxa ayna u soo guurtay dhulka ay Dowlada maamusho. Idaacada Shabeele oo muddo 8-Sano ah ku shaqeynaysay dhismaha...Continue reading »

Bartamaha(Caabud-Waaq):-Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa beenisay in ay lug ku leedahay Dagaalada Baladweyne ka soo cusboonaaday . War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxda Ahlu sunnah ee Degmada Caabud-Waaq ayaa lagu sheegay in aanay Ahlu sunnah Ciidan u dirsan Dagaalka shalay ka dhacay Baladweyne. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ahlu sunnah Ciidankooda ay yihiin kuwa...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Magaalada Muqdisho oo noqotay magaalo dagaal ayaa waxaa Xalay ka dhacay Dagaal qaraar iyo Madafiic ku dhacaysay goobaha shacabka daganyihiin. Dagaalka Xalay ayaa waxa uu bilowday fiidnimadii hore markii weerar ay qaadeen islaamiyiinta ay garneelo la beegsadeen Wadada Sayidka oo ay daganyihiin Ciidanka Dowlada. Dagaalka oo socanayay muddo saacad ka...Continue reading »

Bartamaha(B/Weyne):-Xalada Magaalada Baladweyne ayaa weli kacsan halkaasi oo shalay qeybo ka mida Magaalada ay qabsadeen  Ciidanka Dowlada. Wararkii ugu danbeeyay ee saaka naga soo gaaray Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Cidianka Dowlada ay joogaan Xaafado ka mida Bariga Magaalada Baladweyne. Ciidanka Dowlada ayaa magaalada la soo galaya gawaari dagaal waxaana...Continue reading »

Bartamaha(Afmadow):-Alshabaab ayaa Soomaalida dagan Kenya iyo Ethiopia ugu baaqday in ay dagaal ka dhan ah Dowladahaasi ka bilaabaan gudaha Dalalka ay joogaan. Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamud Raage “Cali Dheere” afhayeenka Alshabaab oo hadal u jeedinayay dadka dagan Afmadow ayaa ugu baaqay in ay isku diyaariyaan dagaal lala galo gaalada dagan Gobolka. Afhayeenka...Continue reading »

Qof si niyad ah wax kuugu sheega beryahan danbe way yar yihiin laakiin maanta ka faaiidaysta videogan gaaban oo aan idiinkaga soo duubnay halyay Soomaaliyeed oo heer qaran usoo matalay dalkeena. Maxamed Cali Shire wuxuu ka mid ahaa xubnihii Golihii Sare ee Kacaanka ( Madaxdii milatariga ahayd ee 1969kii xukunka la wareegtay) ahna nin wax badan soo arkay, soona joogay xilligii...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Wadaad ka mida raga Islaamiyiinta Mucaaradka ah ayaa ku baaqay in la xero Bogga Facebook oo uu sheegay in shareecada Islaamka uu ka horyimid. Wadaadkan oo ah ninka Gudoomiyaha ka ah Golaha la magac baxay Camalka Islaamka Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa shaaca ka qaaday in Bogga Facebook ay leeyihiin Yahuud. Sheekh Bilaal oo ah Gudoomiyaha Golaha...Continue reading »

Magaalada London oo lagu qabtey qorituurkii koobka Somaliweek 2010 London waxaa xaafada Wembley hall ku yaal lagu qabtey habeenimadii Sabtida taariikhduna ahayd 29/05/2010 xaflada qorituurka koobka Somaliweek 2010, xafladaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka tirsan bahwaynta isboortiga Soomaalida ku dhaqan xaafada Galbeedka magaalada London. [slidepress gallery='magaalada-london-oo-lagu-qabtey-qorituurkii-koobka-somaliweek-2010'] Qorituurka...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Xizbul Islaam ayaa hanjabaad toos ah u jeedisay Universal TV oo ay sheegeen in ay ku dhaceen Gaalnimo muuqata talaabna ay ka qaadayaan. Macali Xaashi Maxamed Faarax Gudoomiyaha Kooxda Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay weerar toos ah ku qaadayaan Universal Xafiisyadooda Soomaaliya haddii aan si toos ah loo xerin. Macalin Xaashi waxa uu ku baaqay...Continue reading »

Bartamaha(Caabud-Waaq):-Ciidamada Kooxdsa Ahlu sunnah ayaa qabtay gaari yar oo laga soo buuxiyay dhalooyinka Khamriga nuucyadiisa kaasi oo ka yimid dhanka Ethiopia. Gaariga ayaa waxa uu waday Khamri kala duwan waxaana gacanta ku dhigay Ciidamada Ahlu sunnah xilli uu soo galayay gudaha Degmada Caabud Waaq Ee Gobolka Galgaduud. Khamriga ayaa la geeyay Xarunta maamulka waxaana...Continue reading »

Bartamaha(Buuhoodle):-Xiisad colaadeed  ayaa ka taagan Degmada Buuhoodle halkaasi oo askarta Ethiopia ay gawaari badan ka kexeesteen. Ciidanka Ethiopianka ah ayaa la soo sheegayaa in ay la wareegeen 16-gaari oo u badan kuwa Xamuulka kuwaasi oo ay la aadeen dhanka Xaduudka ay wadaagaan Buuhoodle iyo dhulka soomaalida Ethiopia maamulato. Gawaarida ay wateen Ciidamada...Continue reading »

Bartamaha(Ceel-Barde):-Dagaal u dhexeeyay Alshabaab iyo Askarta Ethiopia ayaa xalay ka dhacay gudaha Deegaanka Ceel Barde Ee Gobolka Bakool. Ciidamada Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhiyada askarta Itoobiyaanka ay ku leeyihiin gudaha iyo daafaha Degmada Ceel Barde Ee Gobolka Bakool. Dagaalka ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay xiligaasi oo shacabka dagan deegaanka...Continue reading »

Bartamaha(B/Weyne):-Dagaal xoogan ayaa saaka ka qarxay duleedka Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka Ahlu sunnah iyo kuwa Dowlada. Dagaalka ayaa waxa uu ka bilowday Garoonka Diyaaradaha Baladweyne oo ay qabsadeen Ciidanka Dowlada markii weerar gaadma ah ay ku soo qaadeen garoonkaasi. Dagaalka ayaa weji kale yeeshay markii...Continue reading »

Waxaan jaaliyada Soomaalida Holand degan lagu wargalinayaa in magaalada Amsterdam lagu qabanaayo koobkii Jaaliyadaha ku dhaqanka dalka Holand gaar ahaan magaalada Amsterdam taariikhdu marka ay tahay 5 iyo 6 June 2010. Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Holand iyo gobalada dhamaan waxaa muhiim ah inaad ka soo qayb gashaan si aad u dhiirigalisaan kooxda ku ciyaaraysa...Continue reading »

Bartamaha (Nice, France) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta gaaray magaalada Nice ee dalka Faransiiska iyaga oo ka qayb galaya shirka berri magaalada Nice uga furmaya madaxda Africa iyo Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Faransiiska. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka ku weheliya, masuuliyiin...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Xafiiska Universal Muqdisho ayaa walaac xoogan muujiyay iyadoo ay soo saareen war-Saxaafadeed u muuqday mid ay ku raali galinayaan Alshabaab. War-Saxaafadeed ay soo saareen Maamulka TV-ga Soomaaliyeen Ee UNIVERSAL  Xafiiskiisa Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in aanay marnaba ka raali ahayn waxyaabaha shareecada wax u dhimnaya Shareecada Islaamka. Qoraalka...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Alshabaab oo maanta shirjaraa’id qabtay ayaa si gaar ah uga hadlay Universal TV oo ay shabaab u aqoonsadeen mid aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed(NNHK). Sheekh Cali dheere Afhayeenka Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in Universal TV ay Ridoobeen sidaa darteedna ay alshabaab go’aansadeen in ay ka goostaan xiriirka. Cali dheere oo...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Xukumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay doorashada Shariif Xasan oo wasiirada ka tirsanaa. Xukumada KMG ah oo ahayd Xisaab sugto ayaa waxaa ay farxad muujisay markii Gudoomiye Baarlaman loo doortay shariif Xasan Sheekh Aadan. Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ah Ra’iisul wasaare Xigeen ahna Wasiirka Kaluumaysiga ayaa waxa...Continue reading »

Bartamaha(Muqdisho):-Gudoomiye Xigeenkii 1-aad ee Baarlamanka ayaa lagu qancin la’yahay in uu iska casilo xilkii uu ka hayay Baarlamanka Soomaaliya. Labada Shariif waa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka ayaa shalay waxa ay ka quusteen qancinya Prof.Dalxa oo ay ui soo jeediyeen in uu is casilo si doorashada ay u fududaato. Sida warar hoose oo na soo...Continue reading »