Boston (MA)–Maalmihii kala ahaa jimchii iyo sabtidii la soo dhaafay ee bisha Luulyo ku beegnayd 24-25ka ayaa ahaa maalmo ay muddo dheer xusuusan doonaan jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boston. Waxay ahaayeen maalmo ay dadweynihii dareemeen farxad, raynrayn iyo riyaaq. Waxa maalmahaas Boston lagu qabtay bernaamaj ka kooban:
Â
Carwo buugeed ( book Fair) ay soo bandhigtay shirkadda Scansom Publishers) Kulan sugaaneed iyo Dood cilmiyeed la xiriirta sidii loo noolayn lahaa oo loo kobcin lahaa afka hooyo. Waxaa ka soo qayb galay dad badan oo isugu jira dhallinyaro, gabdho, cuqaal, cirrole, gambooley iyo gaabisoy habarta.
Â
Waxay ahayd munaasibad aan loo kala harin. Carwo buugeedku wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee ka dhaca magaalda Bosotn, waxaana si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Shirkadda Scansom Publishers iyo ururuka ACEDONE oo isagu bernaamjka martigeliyey kana qaatay kaalin lama illaawaan ah oo la’aantiis ayna suurta noqoteen xilligan hadda ahaa.
Â
Bernaamjaku wuxuu ku billaabmay martiqaad iyo casho sharaf ay soo diyaariyeen jaalliyadda Soomaaliyeed ee reer Bosoton. Waxaa tixgelin gaar ah mudan oo arrintaas hawl dheeraad ku bixisiyey ururuka Acedone oo isaga martida loo ahaa, ururka gabdhaha iyo duqeyda , waayeelka iyo waxgaradka oo iyagu madasha si fiican u soo dhaweeyey dadkii martida ahaa. Sidoo kale waxaa iyana xusid iyo qadderin mudan dhallinyaradii bernaamajka sida habsamida ah u daadahaynaysay.
Kaddib markii cashadii la guddoomay ayaa martidii lagu soo dhaweeyey makrafoonka bal si xogwarran looga helo, kaddibna waxaa hadalkii lagu wareejiyey qoraaga Maxamad Sh. Hassan ( Scansom Publishers) oo isaga kooxda aqoonyahanka isku soo dubba riday oo Boston ku wada casuumay. Maxamad markii hadalkii loo gudbiyey ayuu bariido wanaagsan, bogaadin iyo mahadnaq intaba u celiyey dadweynihii madasha isugu yimid isagoo ku hadalaya magacaa aqoonyahannada iyo qorayaasha la socday iyo sidoo kale magaca Shirkadda Scansom oo goobta ku soo bandhigtay buugaag ku qoran afkeenna hooyo iyo kuwa kale oo Af-Ingiriisi -Soomaali isugu jira kaddibna xogwarran fiican ka bixiyey dhammaan waxaa qoraal oo ku daabacan afkeenna hooyo, lana daabacay 15kii sano ee ugu dambeeyey, meeshii la rabo iyo ciddi rabta ha daabacdee. Tirada buugta goobtaas lagu soo bandhigay waxay ahayd qiyaastii 140 muunadood oo kala duwan. Markii xogwarrankaas ka dhcay kaddib ayaa waxaa la billaabay in woxogaa bernaamjka tuura gooyo dadweynihii fagaaraha cashada isugu yimid loo sameeyo, waxaana halkaas laga billaabay in la sameeyo ( falanqayn iyo faallo ku saabsan buugta). Martidii xogwarran iyo faallada kooban soo bandhigtay waxaa ka mid ahaa:
Hodan Ciise ( Professor of Economics – State University of New York. Kaalinteedudu waxay ahayd talo bixin ku saabsan sida loo hormariyo dhallinyarada iyo dumarka- youth and women empowement)
Â
Jawaahir Cabdalle Faarax ( qoraa ku takhasusay buugta carruurta iyo macallimad ka timid magaalada London, UK. Jawaahir waxay habeenkaas faallo fiican ka bixisay buugteeda u badan ciyaaraha carruurtada iyo habka loo ciyaarsiiyo. Waxay dadkii soo xusuusisay ciyaarihii yarantii l ciyaari jiray oo beri hore la iska illoobay).
Cabdicasiis M. Liibaan ( Edmonton, abwaan iyo qoraa. Wuxuu ka mid ahaan jiray abwaaniintii kooxda Iftin, wuxuuna madasha ka akhriyey gabay aad u cuslaa oo uu tiriyey 1977-1978 oo ku wajahnayd aragtdii uu ka qabey dagaalkii Itoobiya-Soomaaliya. Waxay ahayd aragti aad uga duwanayd middii ay xilligaas qabtay dawladii Soomaaliyeed ee xilligaas majaraha dalka u haysay. Gabaygii abwaanku akhriyey aad ayaa loogu riyaaqay, qaar badan waxaa ka soo haray dhaygag iyo dhabanno-hays.
Â
Idil A. Abuubakar ( waa macallimad ka dhigta Af-Soomaaliyga Jaamciadda Harvard oo ah haysa fasal la bilaabay sannadkan horraantiisa) iyo
Â
Qoraaga Maxamad Sh. Xasan ( oo isna madasha soo bandhigay qaar ka mid buugtii uu daabacay halkaas uu ka akhriyey qaar ah mid ahaa. Waxaa si gaar ah habeenkaas looga helay buuggiisa Maahmaahyada gaar ahaan qaybta Saddexleyda iyo buugga qaamuuska magacyada.
Â
Habeenkaas iyagoo dadweunihii weli u dhega-taagaya in faallada buugta loo sii wado ayaa waxaa la gaaray xilligii hurdada. Waxaa dadweynihii loo cuskaday murti Soomaaliyeed oo oranaysa:
” Saddex, Saddex kama dheregto,
Ili daymo kama dheregto
dhegina war kama dheregto
Dhulna biyo kama dhergo”
Â
Dabadeed waxaa dadweynihii lagu bogaadiyey inay berri oo ku beegnayd maalinti jimcaha Luulyo bishii 25ka , 2009 ay dadweynuhu ka soo qayb galaan Carwo buugeedka oo si rasmi ah u furmi doonaa Salaadda Jimcaha kaddib. Waxaa dadweynihii lagula dardaarmay ( Dardaaran habeenimmo, kallah arooryo ayuu leeyahay, iyo barbarkay ka baxdaba waa bakayle qaleen). Dadweynihii iyagoo farxad, raynrayn iyo riyaaq dreemaya oo dhoosha ka qoslaya ayey guryahoodii u dheelmadeen. Fagaaraha Bandhiguu ka dhacay waxay ahayd qolalaka waaweyn ee Masaajidka weyn ee ( Islamic Society of Boston Centre in Roxbury).
Markii salaaddii Jimcaha laga soo dareeray ayaa dadweynihii waxay ku soo xoomeen ( buugtii sida habsamida ahaa loo soo bandhigay. Waxaa halkaas si qurux badan loogu soo sharraxay buug aad u tiro badnayd oo midabo kala duwan lahayd, kuwaas oo qof waliba uu ka xusahy wixii dookhiisa cajab geliyey. Marka aad u fiirsato sida dadweynuhu isha ula raacayeen buugta baaaxadda badnaa, waxay ahayd arrin yaab leh oo qof kasta indhihiisu ka jeel baxeen, kana durteen xareeddii iyo hoobaantii kala duwanayd ee fagaaraha lagu soo bandhigay. Buug aad u badan ayaa markiiba la iibsaday. Hadba sida loo jeellanaa oo harraadka loogu qabay suugaanta iyo qoraalka ayaa buugta loo kala boobay. Su’aalihii, ashqaraarkii iyo raynrayntii ninba dhinac ayuu ula dhacay.
Â
Kaddib waxaa loo gudbay qaybtii labaad oo ahayd in martidii la soo xulay ninba casharkii loogu talo galay meesha ku soo bandhigo. Markii bernaamajkii lagu furay aayado Qur’aan ah waxaa waxaa kelmada soo dhaweyn ah meesha ka jeediyey, Mohammed Aden (Dhegaweyne) oo ka mid ah waayeelka iyo wax garadka reer Boston. Soo dhaweyntaas kaddib qaxaa hawshii lagu wareejiyey dadkii aqoonyahannada martida ahaa halkaas oo maalintaas ninba ku soo bandhigay casharkii uu dadweynaha ugu soo talo galay. Waxaa halkaas lagu soo bandhigay suugaan aad u baaxad weyn oo laga akhrinayey buugtii badnayd ee la daabacay 15 sano ee ugu dambeeyey. Sidoo kale waxaa hakaas laga akhriyey gabayo aan weli hore loo daabicin oo abwaan Cabdcasiis M. Liibaan curiyey qiyaastii 23-25 sano ka hor oo weli maskaxdiisa ku daabcan oo aan isaga oo libiqsan dusha ka dareeriyey. Sidoo kale waxaa iyana halkaas laga akhriyey casharro kale.
Kaddib waxaa loo sii gudbay qaybtii saddexaad iyo maalintii Sabtida ahayd halkaas oo iyana lagu soo bandhigay dood kulul iyo aqoon isweydaarsi ku saabsanaa : “Side loo kobcin karaa afkeenna hooyo?. Maxaan qban karnaa?. Halkaas waxaa lagu soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah. Bernaamajkaas waxaa ka wada qayb galay dadkii aqoonyahannada martida ahaa iyo aqoonyahnno reer Boston ahaa oo ay ka mid ahaayeen, Idil A. Abubakar oo macallimad ka ah (Jaamicadda Harvard) oo dhigta fasal bilow ah oo lagu barto afkeenna hooyo.
Â
Casharka ay Idil soo diyaarisay waxaa aad uga helay dadka dhallinyarada ah kuna tilmaamay in tabta iyo xeesha ay macallimad Idil adeegsatay ay ka mid tahay taba casriga ah ee hadda wax lagu barto. Waxaa isna cashar taariikhi ahaa oo aad u qiimo badan soo diyaariyey macallin Warfaa oo ka mid ahaa macallimiinta wax ka dhiga Iskuulada Boston. Milicsi taariikheedii ku saabsanaa qoraalka afkeenna hooyo oo macallin Warfaa soo diyaariyey ayaa isna ka mid cashar ay dadweynuhuu aad u jeclasyteen.
Â
Doodda waxaa si habsami ah u hoggaaminaysay bare-sare ( Professor Hodan) oo jiibta iyo jaanta dadweynaha iyo aqoonayahnnada si wanaagsan isugu dheeli-tiraysay. Hodan Isse Kaalinteedu waxay ahayd talo bixin ku saabsan sida loo hormariyo dhallinyarada iyo dumarka- youth and women empowement, waxaana laga kororsaday talooyin wax-ku-ool ah.
Ugu dambyan waxaa la soo gaary saacidiihii ugu dambeeyey ee baernaamajka la soo gunaanaday, waxaana qoraaga Maxamad SH. Xasan uu xusay una mahdceliey dadkan uu soo casuusay iyo sida wanaagsan ee iyaguna martiqaadka uga yeeleen iyagoo ka kala yimid daafaha iyo dcallada kala duwan ee adduunka sida (UK, Sweden, Canada iyo USA). Gunaanadkii waxaa isna mahad ballaaran dadkii u celiyey Abdulqaadir Yaasin ( Acedone) oo ahaa ururkii martida loo ahaa, oo u suurta geliyey shacbiweynaha reer Boston inay fursaddaas qaaliga ahayd iyo guushaas u soo hoyato magaalada Boston. Wuxuu ka qaatay kaalin libaax oo lama illaawaan.
Â
Odayadii iyo dhallainyardii reer Bosotn waxay codsadeen in munaasabadn oo kale sannadkiiba hal mar loo dhigo iyago oo shidaal qaadanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland iyo Scansom Publishers, oo dhawaan bishii Abriil sannadka 2009, sameeyey munaasabdii shannad ee Carwo buugeedka ah, laguna dhigo magaalooyinka kala ah Helsinki iyo Espoo sannad kasta.
Â
Waxaa la isku af-gartay in sannad kasta bisha Luulyo dhammaadkeedka la dhigo munaasabadan oo kale. Munsabadan waxaa iyana la dhigi doonaa Bisha soo socota ee August magaalada Columbus Ohio, (August 7-8 Globall Mall). Sidoo kale waxaa isla bisha soo socota ee August 14-15 la dhigi doonaa Magaalada Minneapolis 14-15ka , ee ka soo qaybgal wacan.
Â
Fiiro Gaar: “U hiili afkaaga hooyo, ku anqari oo ku ababi ubadkaaga”, cidna ha ku hallayn ee qabo wixii aad qaban karto.
Â
Qoraaga: Maxamad SH. Xasan ( Scansom Publishers- Toronto, July 26, 2009)