Bartamaha(Barlin):-Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa ka biya diiday siidayta markab laga leeyahay wadanka Jarmalka ka dib markii la isku khilaafay lacagaha Madaxfurashada.
Wasaarada Arimaha Dibada wadanka Jarmalka afhayeen u hadlay ayaa sheegay in burcada soomaalida ay kula hishiiyeen lacago lacago madax furasho ah balse ay welli ku howlanyihiin sidii ay ugu qancin lahaayeen burcada.
Kooxaha Burcad badeeda ayaa la sheegayaa in ay ka biya diideen lacagaha Madax furshada ah oo ah mid aad uga yar midi horey ay u dalbadeen.
Dowlada Jarmalka ayaa isku howleysa sidii ay kooxaha Burcad badeeda u siin lahayd lacagahaasi balse waxaa gabi ahaanba ay burcada diideen lacagaha la banqaaday oo ah mid aanay ku qanacsanayn.
Burcad Badeeda Soomaalida oo haysata Markab laga leeyahay wadanka Jarmalka ayaa dhawaan waxa ay muddo kooban u qabteen shaqaalaha Markabkaasi oo xilli hore ay ka soo afduubteen Xeebaha Magaalada Kismaayo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.