Burcad badeedda Soomaaliya oo shuruud ku xiray siideenta lamaaha u dhashay dalka Britain.

Posted on Feb 26 2010 - 11:15am by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

article-0-0703433A000005DC-737_468x435

Bartamaha (Nairobi):- Afhayeen u hadlay burcadbadeeda Soomaaliya ayaa sheegay in lamaanaha u dhashay dalka Britain ee lagu haysto Gobolka Mudug ay sii dayntoodu ku xiran tahay iyadoo la siidaayo 176-Burcabadbadeed oo Soomaali ah.
“Calaamka waxaa la weyn labada qof ee laga haysto Ingiriiska, innagana waxaa nala weyn dadka naga xirxiran oo aan ku sifeyn karo kuwo xeebaha dalkooda ka ilaalinayay in si sharci aan ahayn looga kalluumeysto” ayuu yiri nin magaciisa ku soo koobay
Paul Chandler iyo Richard Chandler oo xaaskiisa ah ayaa waxaa lagu haystaa dalka Soomaaliya muddo shan bilood ku dhow, iyadoo kooxaha haysta ay sheegeen inay ka doonayaan lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 2-Milyan oo Dollar.
“Dhallinyarada Soomaalida ah ee daafaha caalamka oo qaarkood la xukumay uuna ka mid yahay C/qaadir oo Mareykanka lagu hayo waa in lasii daayo haddii la rabo in lasii daayo labadan qof ee waayeellada ah” ayuu yiri Khaliif.
Afhayeenkan wuxuu sheegay in labadan qof ay caafimaad ahaan darneyn, balse ay jiraan xanuuno ay qabaan, isagoo xusay in looga baahan yahay caalamka inay sii daayaan dadka ay haystaan si iyagana loogu sii daayo dadkooda.
Somalida dalka Ingiirka dagan ayaa dadaal u badan ugu jira sidii loo deen lahaa Lamaanahan u dhashay dalka Britian eek u jira gacanta Burcad badeeda Somalida in ka badan sadax Bilood iyadoo ay burcad badeedu dalbadeen lacago madax furasho.

Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiiska Bartamaha Ee Nairobi.