Burcad Badeeda Soomaaliya oo Turkiga ka dalbaday lacag madax furasha ah oo gaaraysa $20-Milyan Doolar.

Posted on Sep 7 2009 - 7:41pm by News Desk
Tweet
Pin It

burcad-badeedaaBartamaha (Eyl) Kooxaha Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya ayaa dalbaday lacag madax furasha ah oo ay ka doonayaan markab laga leeyahay wadanka Turkiga .

Burcad badeeda Soomaalida Ee xiligan gacanta ku haysa Markabla lagu magacaabo Horizon One oo ay la socdaan shaqaale dhan 23-badmaaxiin Turkish ah kuwaasi oo in mudda ah ay gacanta ku hayeen burcad badeeda.

Sargaal u hadlay Burcad badeeda ayaa u sheegay Wakaaladaha wararka qaarkood in ay markabka laga leeyahay Turkiga ka doonayaan lacag dhan $20 milyan oo doolar si loo sii daayo shaqaalaha iyo Markabka.

Dhanka shirkada uu ka kireysan yahay markabka Haweenay u hadashay oo  lagu magacaabo Mrs.Nilgun Yamanaar ayaa u sheegtay AFP in ay diyaar u yihiin bixinta 4-milyan oo doolar oo kaliya .

Illaa xiligan ma jiro qiima labada dhinac ay isku raacsanyihiin taasi oo muujinaysa awooda xagga iibsashada Maraakiibta oo ay Burcad Badeeda Soomaalida inta badan ku dhaqaaqdo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.