Bartamaha(Roma):-Kooxaha Burcad Badeeda Wadanka Soomaaliya ayaa waxa ay sii daayeen markab laga lahaa Wadanka Talyaniga kaasi oo in muddo ah ay ku haysteen xeebaha soomaaliya.
Wasiirka arimaha Dibadda Wadanka Talyaani ayaa sheegay in kooxaha soomaalida afduubayaasha ah ay sii daayeen markabkaasi oo ahaa nuuca Xamuulka oo ay in ka badan 4-bilood ku heysteen xeebaha soomaaliya.
Wasiirka Arimaha Dibada Talyaaniga Franco Fratini oo warbaahinta dalkaasi la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in sii daynta markabkaasi ay qeyb xoogan ka qaateen ciidamada Sirdoonka dalkiisa iyo dowlada FD Soomaaliya .
Markabkan Xamuulka ah oo ay la socdeen in ka badan 16-shaqaala ah ayaa la soo sheegayaa in uu haatan ku sii jeedo dalka Jabuuti si uu uga samatabaxo xeebaha soomaaliyana ay galbinayaan Ciidamada NATO.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay wadeen qorshayaal ay ku sii daynayaan maraakiibta gacantooda ku daahay oo aanay ka heleynin lacagaha madax furshada ah oo ay ka doonayaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.