Bartamaha (Xarardheere) Afduubayaasha Maraakiibta ee loo yaqaan Burcad Badeeda ayaa maanta qafaashay dooni yar oo ay saarnayeen Lamaane British ah biyaha Soomaaliya.
Kooxaha Burcad Badeeda ayaa waxa ay weerar ku qaadeen doonidan oo maraysay biyaha Jasiirada Sycheles halkaasi oo ay ka soo qabsadeen doontaasi oo ay saarnayeen lamane Britain u dhashay.
Afduubka oo maant dhacay ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan in Burcad Badeeda ay doonida la soo aadeen dhanka Biyaha Xarardheere Soomaaliya sida ay sheegeen sarakiil u hadlay Jsiirada Sycheles.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowlada Britain oo ku aadan afduubka doonidaasi iyadoo Burcad Badeeda ay ku guuleysteen in ay biyaha Soomaaliya la soo aadaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.