Bartamaha(Singapore):-Burcad Badeeda Soomaalida ayaa la xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen Markab ganacsi oo marayay Biyaha Bariga Soomaaliya bilowga Sanadan Cusub Ee 2010.
Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil u hadashay Ciidamada la dagaalanka Burcad Badeeda Ee Midowga Yurub ka jooga Biyaha Soomaaliya waxaa la afduubtay Markab laga lahaa Wadanka Singapore.
Markabka ay qabsadeen Burcad Badeeda ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay “Pramoni†kaasi oo ku sii jeeday dhanka Wadanka India oo uu u waday badeedac u badan raashin iyo bagaash.
Markabka  “Pramoniâ€ayaa waxaa la socday shaqaale kala duwan oo gaarayay 24-shaqaala ah kuwasi oo dalalkooda lagu kala sheegay 17-Indonesian ah, 5-China,1-Nigerian ah iyo 1 Vietname u dhashey.
Sanadii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Burcad Badeeda ay afduubteen maraakiib aad u fara badan iyadoo haatan gacantooda ay ku jiraan in ka badan 280-shaqaala ah iyo 12-Markab oo dalal kala duwan laga leeyahay.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee sanadan 2010- ay qaadeen Burcad Badeeda Biyaha Soomaaliya oo la sheegay in ay sii badanayaan islamarkaana ay weeraradooda kor u sii dhigayaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.