Burcad Badeeda oo qabsatay Markab Shidaal laga leeyahay Dalka Norwey.

Posted on Mar 6 2010 - 7:26am by News Desk
Tweet
Pin It

burcadBartamaha(Somalia):-Kooxaha Burcad badeeda Biyaha Soomaaliya ayaa qabsaday Markab nuuca Shidaalka qaada oo laga leeyahay Dalka Norwey.

War ka soo baxay Shirkad Norwey fadhigeedu yahay ayaa waxa ay sheegtay in la qabsaday Markab ay lahayd oo lagu magacaabo UTB Ocean kaasi oo ah nuuca shidaalka qaada.

Burcad Badeed ayaa weerartay Markabka oo marayay Biyaha Soomaaliya meel ka baxsan ka dibna ay qabsadeen Markabkaasi oo ahaa nuuca shidaalka qaada kana soo tagay Imaaraadka Carabka.

Markabka UTB ayaa waxa uu ku sii jeeday Dalka Tansaaniya xiliga ay Xeebaha ku dhow Jasiirada Madacascer ay ku qabsanayeen Burcad Badeeda ka qowleesata Biyaha Soomaaliya.

Agaasimaha Shirkada iska leh Markabka UTB Ocean oo lagu magaaco Safian Baderson ayaa sheegay in Markabkooda uu saarnaa 9-kun oo tan oo shiudaal ah waxaa la socday ilaa 21 shaqaale badankood ka soo jeeda qaarada Asia.

Burcad Badeeda ayaa waxa uu noqnayaa markabkan midkii Labaan oo shidaal sida oo muddo Laba todobaad gudihiis ay ku qabsadaan waxaana horay ay u haysteen Markab laga leeyahay Saudi Arabia.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.