Burcad Badeeda oo Markab Madax furasho ku sii daaysay Xeebaha Soomaaliya.

Posted on Feb 27 2010 - 7:24am by News Desk
Tweet
Pin It

burBartamaha(Jakarta):-Burcad Badeeda Soomaalida ayaa sii daysay Markab laga leeyahay Wadanka Indonisa kaasi oo Kiimino waday mudanaha Xeebaha Soomaliya lagu haystay.

Kooxaha Burcad Badeeda ayaa waxa ay siid aayeen Markab laga leeyahay Wadanka Indonisa kaasi oo siday Kiimoko sida laga soo xigtay saraakiil u hadashay shirkada Markabkaasi.

Markabka oo lagu magacaabo MV Pramoni waxa ay Burcad Badeeda qabsadeen Bishii January xilli uu ku sii socday Dalkaasi India oo uu u waday walxaha Kiimikada  ah uu siday Markabka.

Waxaa la ogaaday in Burcad Badeeda ay ku qanceen lacag dhan 7-Milyan oo Doolar oo ay ka qaateen Markabkaasi shirkadii lahayd taasi oo maalin ka hor la siiyay ka dibna ay sii daayeen markabka.

Markabka ayaa waxaa la socday 24 shaqaale waxaana 17 kamid ah ay u dhasheen wadanka Indonesia halka 5 kalana ay u dhalatay Shiinaha 2 kale oo u kala dhalatay Naijeria iyo Fiyadnam kuwaasi oo dhammaan ay badbaadeen.

Burcad Badeeda waxaa dhawaanahan soo galay adduun lacageed oo aad u badan taasi oo la sheegay in ay qaar badan oo ka mida Burcada ay ku dagaalamaan dhaqaalaha maadaama ay isku bateen Burcad Badeeda wax qafaalata.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.